DIGNIIN DUMINTA DHULKA TAARIIKHIGA EE XAMAR

Bacdama aan ka mid ahay Asasayaashi Hay’adda SOUTH CENTRAL SOMALIA NON-STATE ACTORS (SOSCENSA) oo fadhigeedu yahay Muqdisho isla markaana aan soo qabtay hoggaanka sare maamulka ee Gobolka Benadir waxaan uga digaya madaxda maamulka Gobolka, Shariikadaha Gaarka loo leeyahay iyo Shaqsiyaadka kale in aan sinaba lagu burburi karin dano kasto oo laga leeyahay meelo ka mid ah faras-magaalka Muqdisho.

Dhismayaasha Faras-magaalka waxaa loo aqoosan doona musaqbalka dhow dhul dhaxal qadiim ah oo Soomalida jiilka hadda jooga iyo kuwo soo socda Muqdisho ay dhowri doonan deegaan ahaan (environmentally) iyo bilic-sami ahaan.

Dhismayaasha waxay ka mid noqon doonaan kuwa Hay’adda Qaramada Midoobay ku darto liiska dhulka UNESCO u aqoonsatay dhaxalka adduunka ee UNESCO WORLD HERITAGE, sida guriyaha London ee la dhisay waagi boqorada Victoria inti u dhaxay 1837 ilaa 1901. Muddo markii la joogaba waa la qurxiya ayadoo aan waxba laga bedelin sidii berigi hore loo dhisay iyo meelo kale oo ka mid ah adduunyada.

Dhismayaasha taariikhiga qadiimka ee Muqdisho oo qiyaasteyda noqon kareysa inta u dhaxaysa Barlamaankii hore ee hadda ay qalfoostii muuqato o dhanka bari kaga taal wadamada ”Via Mare Lungo ee ex-post office, miiska mallayga oo hor marta wadada Hassan Ghedi Abtow oo sii hor marta Ospedale De-Martino oo ku leexata dhanka midig wadada aada xarunta SYL (Leegada) kuna dhacda derbiga T-wadada Madaxtooyada oo midig ugu leexata kuna dhacda wadada Jamaaal CabdiNasser iyo Wadada Mohamed Kamaludiin Salax oo gaareyso Barlamaanki hore ee USC burburisa dagaalka magaca ceebta oo loo bixiyan 4 biloodka ee 1992.

Inkastoo ay jiri karaan dhismayaal kale oo taariikhi ah, haddane intaan ayaan u arkay in sidooda loo daayo oo aan la burburin laakinse marka muddo la joogo ayagoo sidooda ah la qurxiyo

UNESCO IYO GOOBAHA AY U ASTEYSAY DHAXALKA ADUNKA

Sannadku markuu ahaa 2014, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Culuunta Sayniska iyo Dhaqanka waxay diiwaan gelisay tiro in ka badan 1000 goob oo muhim u ah dhinaca dhaqanka iyo muuqaalka jaaha.

Talyaaniga ayaa ah dalka ugu badan oo leh goobo gaaray ilaa 50 oo loo aqoonsaday DHAXALKA ADUUNKA.

Afarta goob oo ugu muhimsan ee dhulka ay u asteysay UNESCO WORLD HERITAGE ee dalka Britain waxa ka mid ah:

The Tower of London
The Royal Botanical Garden at Kew
The Palace of Westminister
Maritime Greenwich

Soomaalida waxaa laga raba inay ogaadaan in uusan dhul nagu yareyn ee yaanan iska dumin dhulka dhaxalka u noqon doonaan jiilasha soo socda ee Soomaaliyeed.

Waxaa guriyo nooc kasta leh laga dhisan dhulka xeebta ku teetsan oo laga abuuri karo meel dalxiiska loo tago isla markaana laga barto dhaqanka iyo ka manafaacsida badda iyo cimilada fiian ee caasimada.

JOOJIYA BURBURINTA DHISMAYAASHA QADIIMKA EE KU YAAL FARAS-MAGAALKA. LAAKINSE JEBIYA GURIYAHA SIDA SHARCI DARRADA LOO DHISTAY.

Guddoomiyaha Gobolka Benadir isla markaana ah Duqa Magaalada Eng Abdirahman Omar Osman waxaan ka codsaneyna inuu dekereeto ku saaro inaan wixii hadda ka dambeeyay aan sinnaba loo burburin karin sabab kasta dhisme ku yaal Muqdisho oo qadiimi ah.

MUQDISHO WAA MAGAALO FAC WEYN EE HA LA DHOWRO!

Waxaa qoray: Abdulkadir Mohamoud Walayo

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: