Doorka Warbaahintu ku leedahay isbedelka Mujtamaca

Intaan mowducan uu guda gelin, waxaan jecelahay inaan aan marka hore nalka ku daaro oo aan idiin iftiimiyo inta nooc oo warbaahin ee maanta caalamka lagaga shaqeeyo waxaana ka mid kuwa xagga hoose ku qoran:

1.       Nooca shuuciga

2.       Nooca keli talisnimada

3.       Nooca xorta ah

4.       Nooca bulshada masuulka

5.       Nooca Kacaanka

6.       Nooca Horumarinta

7.       Nooca Hantiwadaaga Demoqaradiga

Nooca kowaad ee shuuciyadda, Dawladdu ma kantroosho oo keli ah warbaahinta balse waxay soo saarta wararka halka kan labaad ay tahay dawlad awood badan leh oo ku kantroosha warbaahinta sida faafreeb ama ciqaab marka wax la nashiro amase la baahiyo kaddib.  Nooca sedexaad, waxaa waaye meel  dadka aqoonta leh ay si caqli ah u kala dooran karaan amaba u kala xulan karaan nooca xog ama war oo ay rabaan wararka suuqa yaala  waxayna dadkaasu leeyihiin in loo yeelo sidaas iyaga maqsuudisa ayadoo nooca afaraad ay warbaahintu ka saaran tahay waajib waxay baahineyso waana in lagula xisaabtamo waajibkaas haddii ay ka leexato. Kan shanaad waa manshuuraadka iyo wargeysyada nidaamka kacaanka amase kuwa mucaradada ku shaqeeya sida qarsoodi uga soo horjeeda nidaamyada keli ee awood cantoobsiga ku dhisan. Nooca lixaad, warbaahinta waa hangool loo adeegsado jirista qarannimada iyo horumarinta dhaqaalaha waxaana nooca todobaad ee ah kan ugu dambeeya wuxuu saamaxaya baahida loo qabo in la helo warbaahin noocyo badan, balse waxay dawladda u oggolaaneysa fara gelin haddii loo baahdo iyadoo laga duulayo ilaalinta danaha shacabka.

Noocyada aan kor ku soo sheegay dal iyo dad walba waxaa meheradda warbaahinta asaas u ah heerka aqoonta guud ee dadkaasu leeyihiin iyo baahida ay u qabaan inay helaan xog danta guud taabanaysa si ay ugu dabaqaan nolol maalmeedkooda iyo danaha guud ee mujtamaca ay ku dhex nool yihiin

Noocmaa warbaahin ee ku haboon dalkeena Soomaaliya?  Jawaabtu meel fog lagama doonayo. Soomaaliya waxaa  ku haboon nooca horumarinta oo shacabka loogu tilmaamayo sidii ay umadda Soomaalida ugu dhisi lahayeen dalka isla markaana ay uga soo kaban lahayeen dhibaatada ku habsatay muddada ka badan 20 sano ayadoo dib loo soo celinaayo kalsoonida ay isku qabeen shacabka oo luntay muddooyinkan dambe.

Warbaahintu waa hangool loo adeegsado in lagu baahiyo ama lagu faafiyo ara’a, fekrado, xog iyo xukun (judgement) qiimeyn iyo dareen loo gudbiyo dadweynaha guud ahaan. Tusaale: haddii aan hangoolkan  kala saarno wuxuu u kala baxaa warbaahinta daabacan, iyo tan la maqlo amaba la arko oo iyaguna kala ah raadiyayaasha, telefishinnada, majallaadka, manshuuraadka, tan cusub ee online ka  iyo wixii kale ee soo raaca.

Docda kale isbedelka waxaa lagu qaadiceeya (definition) tiiyo shey laga yeelayo si ka duwan sidii uu hore ahaa sheygaas oo qaab iyo muuqaal kale leh oo cusub.  Shey laga yeelayo duwanaashaha xagga qaabka dabeecada. Waxaa kaloo la oran karaa  shey meel  hore u yiil oo meeshiisii lagu beddelo shey cusub.

Waxaa marka Soomaaliya yiil sheyga dib-u-dhac iyo burbur oo taabtay dhammaan nolosha shacabka Soomaalida taasoo ay sabab u ahayd dhaqan xumida ragaadisay oo ummadda Soomaalida ka reebtay horumarka dhinacyada badan wadamada kale ee adduunka ay gaareen.

Haddaba waxaa laga rabaa warbaahinta inay shacabka u iifiso tubta wadaniyadda, horumarka iyo ka soo kabashada oo dadka warbaahinta ka shaqeeya ay qaadaan  tallaabooyin keena isbedel ayadoo loo marayo  wacyigelinta si maskaxda shacabka looga tirtiro waxyaabiha foosha xuma ee qaybiyaalada, musuqmaasaqa, iyo dhiig-cabnimada ay dagaal oogayaashu ku soo barbaariyeen muddada dheer isla markaana la baro nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo qaran jacaylka.

Sidaa darteed, markaan ka hadleyno arrinta ku saabsan warbaahinta inay u tahay aalad isbedel ku keenta mujtamaca, waxay macnaheedu tahay in warbaahintu tahay qalab sahla inuu mujtamaca dhexdiisa dhigo  wax cusub kaasoo lagu bedlayo wax duug ah oo haraadi ah oo laga soo tegay marka laga eego dhinaca horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Waa qabiiyaaladda oo laga gudbo loola gudbo qarannimo.

Warbaahintu waxay tahay ahaaneysaana weligeed badiilka keli ah (the only alternative) ee qiyaraadka (options) kale ay fikradahooda ku faafiyaan dadka isbedel doonka ah (reformists), dadka u ololeeya dhowrista xuquuqal insaanka, siyaasiyiinta uguna gudbiyaan  dadweynaha taasoo dhalineysa inay dadweynuhu raacaan ama taageeraan ajendayaasha, bayaanada (Manifestos), aragtiyada (visions) iyo siyaasadaha la rabo in lagu dhaqo bulshada oo ay kala wataan kuwa doonayo inay iyagu hoggaamiyaan shacabka.

Marka la tixgeliyo xaaladda dalka Soomaaliya taala warbaahinta maxalliga ma isweydiisay waa maxay dhibta dalka ku habsatay muddada sidaas u dheer maxaase xal waara loo la’ yahay?  Marka dadka ka shaqeeya warbaahinta ay ogaadaan halka ay mashkilada ka jirto waxaa sahal noqoneysa in xalka la helo waase haddii ay saxafiyiintu leeyihiin awood iyo kartida aqoonta looga baahan yahay in hawshaas baaxada weyn leh lagu fulin lahaa.

Saxaafadda soo baxday wixii ka dambeeyay ridisitii maamulka militariga 1991 sidii la rabay ma u gudatay waajibkii dalka ka saarnaa oo ahayd badbaadinta dalka oo la dhiso maamul awood u leh inuu Soomaaliya u horseedo in maamul wanaag, sharci iyo kala dambeyn iyo qawaniinta oo la isku xumo (the rule of law)? Jawaabta waxaan u deynaya saxafiyiinta Soomaliyeed.

Waxaa aad u sahlan in dib loo dhiso amaseba la daayactiro dhisme dumay, laakinse ma sahlana in maskaxda shacabka lagu bedelo wacyigelin looga meyrayo dhaqamada haraadiga ee dilooday shacabka Soomaalida oo ay qaybiyaaladu lambarka kow ka tahay.

Waxaa caddaan ah in dadweynaha ku nool qaaradda Afrika, gaar ahaan weliba dalkeena Soomaaliya, in ay u ooman yihiin inay ka tallaabaan xaaladda kala guur “transitional situation”  ee xagga siyaasadda, dhaqalaha iyo bulshada iyo saaxadda dhaqanka (cultural platform).

Waxaan marka rumeysanahay sababta ay u jirto warbaahintu inay tahay masuuliyadda madhafaanka ah ayna iyadu tahay sidii shacabka ay ugu horseedi lahayd jidka lagu gaari karo isbedel wax tar leh ee wax ku ool ah.

Afrika badankeed waxay ku dadaashaa sidii ay u isticmaali lahayd inay ujeedooyinkeeda isbedel doonka ah ku gaarto adeegsiga warbaahinta.

Haddaba aan dib u raacno taariikhda dalkeena weliba inta lagu soo jiray waqtiga burburka iyo sida ay dadka siyaasiyiinta dalka u maamulayeen haddana u maamulaan nidaamka siyaasadda waxaa muuqaata dhammaan waxaa lagu sheego inay yihiin siyaasiyiinta wax hoggaamisa in aaney awood u laheyn sidii uu ku imaan lahaa isbedel mujtamaca dhexdiisa ah waxaana indhaha ka tuuray dano gaar ah iyo iyagoo shacabka u sii kala qaybiyay qabiilqabiil iyo jufojufo kuna xirmay quwado shisheeye raba in Soomaaliya aaney mar kale cagaheeda isku taagin. Warbaahinta tirade badan ee dalka ka hano qaaday uma suuraabin inay saxaan qaladka dhacay oo tilmaan cad ka bixiyaan halka sartu ka quruntay iyo inay ka digaan qatarta dalka ku imaan karta haddaan fawdada laga bixin.

Warbaahinta dalka ka tis qaaday maxay ka qabtay xaaladahaas silloon ee dalku soo maray? Dadka sida badan waxay aaminsan yihiin in warbaahinta kacday muddada burburka ay qayb ka qaadatay burburka.

Inkastoo dadka hadda ka shaqeeya warbaahinta uu hal-heyskoodu u badan yahay saxaafadda xorta ah, haddana dadkaasu ma og yihiin in aaney adduunyada meelna ka jirin xoriyad mudlaq ah oo deysane ah oo iska furan inkastoo weliba ay jiraan olole reer galbeedku ku wadaan adduunka sedexaad si ay uga dhaadhiciyaan xoriyadda saxaafadda oo laga yaabo in qaarkood reer galbeedku aanu dalalkooda lagaga shaqeynin xoriyadda saxaafadda halka kuwa ku shaqeeya xoriyadda saxaafadda aaney ku mustawo aheyn Soomaaliya marka la eego  xagga faca, dhaqanka, aqoonta iyo qiyamka kale.

Ayadoo sidaas tahay ayaa haddana xoriyadda ka sokow, dhamaan  xoriyaadka kale waxay leeyihiin xuduud aan la gudbi karin ee ku jira xeyndaabka sharciga waxaana hoggaamiya shuruuc hoosaadyo loo hoggaansamo.

Cilmiga saxaafadda waxaa ardayda raacata marka hore lagu baraa masuuliyadda saxaafadda ”responsible journalism”, si xoriyadda ay heystaan aaney meelna uga dhicin xoriyaadka kale dhulka ay wax ka qorayaan ama wax ka sheegayaan iyo ilaha ay wararka ka helayaan intaba.  Masuuliyaddaas waxaa badanaaba sal u ah ku dhaqanka anshaxa saxaafadda.

Xoriyadda saxaafada macnaheeda ma ahin ruqso lagu waxyeeleeyo oo meel lagaga dhaco dadka iyo hay’adaha kuwa dawliga iyo kuwan aan dawliga aheyn ayadoo markaas lagu andacoonayo xoriyadda saxaafadda. Waxaan sida badan maqalnaa waxaa lagu tacadiyay saxafiyiin iyo hoyga warbaahinta waxaana kaddib qaylio dhaan afka labadiisa yeera kuwa isku sheega inay yihiin hay’adaha ilaaliya xuquuqda saxafiyiinta adduunka.

Maxay hay’adahaasu u taageeri waayeen xaqa shacabka Soomaalida u leeyahay inuu dhisto dawlad dadka si wacan u maamusha halka ay leeyihiin waxaa lagu tacadiyay saxafi oo dalka soomaalida ay ku tilmaameen inuu yahay meesha ugu qatarsan kownkan oo uu saxafi ka shaqeeyo Muqdishona ay tahay magaalada ugu qatarsan xagga nabadda ee maanta adduunka ku taal. Maxay u cambaareyn waayeen kuwa ka soo horjeeda qarannimada Soomaaliya iyo in dalka isku taago lugahiisa? Warbaahinta xorta ah maxay ka qortay ama sheegtay soo celinta qarannimada iyo dawladnimada Soomaaliya.

Haddaba warbaahinta oo aan maanta hubo inay si xor ah u shaqeyneyso ayaa waxay u xil saaran tahay inay door weyn ka ciyaarto sidii isbedel tin iyo cirirb ah oo kacaan gelisa (revolutionize) meel kastoo ka mid ah  nolosha ummadda Soomaaliyeed.

Warbaahintu waa qayb bidaayi ah (elementary) oo loo adeegsan karo inay taabageliso isbedel ku yimaada mujtmaca ayadoo maanka lagu heynayo inay warbaahintu tahay indhaha, dhagaha iyo afka shacabka. Sidaa darteed waxaa muhimad gaar ah in warbaahinta si sugan, oo caqli iyo aqoon ku dhisan,  loo adeegsaado haddiiba la doonayo in si guul ah loogu gaaro ujeedooyinkeeda iyo doorkeeda.

Waxaa warbaahinta marmarka qaar lagu tilmaama inay tahay seef laba aflo ah oo loo adeegsan karo xagga xumaha, hooga iyo halaaga. Tusaale: Radiyaha Kunka Buurood ee Rwanda oo qayb ka ahaa xasuuqii dalkaas ka dhacay iyo doorashooyinka 2006 ee dalka Kenya oo hadda qaar eedeysanayaasha (the Okambo six) uu ka mid yahay nin Wariye ah la hor keenay maxamadda The Hague ee dalka Netherlands.

Haddaba, dalkeena saxafiyiinta Soomaalida seeftaa dhinecee ka doorteen? Warbaahinta qabiil ku dhisan ma noqoneysa aalad shacabka ku hanuunisa dib-u-dhiska, horumarka iyo ka-soo-kabashada?

Mid ka mid ah doorarka warbaahinta waxaa weeye inay dadka u sheegto arrimo kala duwan oo taabanaya iyaga naftooda iyo waxyaabaha naftooda welwelka ku haya. Tani waa muhiim haddii la doonayo in la hormariyo arrinta ku saabsan isbedelka mujtamaca. Marka la gudanayo hawsha wargelinta dadweynaha tiiyo ay warbahintu nufuud aad u ballaaran ku leedahay waxaa hubanti inay si waxtar leh  mujtamaca ugu jeheneyn karto tubta horumrka iyo baraaraha.

Tusaale ahaan: Warabaahintu waxay awood u leedahay sidii dadweynuhu ay u joogteyn lahayeen korista dhaqaalaha iyo sidii ay u wanaajin lahayeen heerarkooda nolosha isla markaana u noqon lahayeen muwadiniin masuul ah iyo maamul wanaag (good governance) isla markaana awood u leh inay doortaan hoggaamiye aragti fog leh ee ku haboon jagadaas.

Warbaahintu waxay ummadda gaarsiin kartaa sidii loo cirib tiri lahaa shaqo la´aanta iyo saboolnimada ayadoo la abuurayo shaqooyinka xorta (self emoplyment). Ayadoo la adeegsanayo warbaahinta mujtamacu wuxuu xogogaal u noqon karaa tallaabooyinka lagu hirgelinayo isbedelka oo docda kale abuurayo horumarin la isku haleyn karo.

Helista la heli karo warbaahinta looga baahan yahay inay bulshada ku gaarto isbedel taasi waxay hor iyo horaanba asaas u tahay in bulshadu gaarto horumar seynsaab ah xagga waqtiga kala guurka.  (Warbaahintu waa inay bulshada u noqoto macallinka xaaladda kala guurka. Su’aashu waxay tahay warbaahinta Soomaalida maxay ka qortay waajibaadka waqtiga kala guuka ah ee DFGMK waxaa loogu yeero “Transitional tasks? Ma la xisaabtantay xukuumadaha. Haddii ay jiri lahayd warbaahinta dhab ma loo baahnaan lahaa HESHIISKA KAMPALA?). Warbaahinta hadda faaqidaad ma ku sammeysay hirgelinta Heshiiska Kampala iyo sidaa uu ku socdo. Ma odorsi karaan waxaa uu heshiiskaas ku dambeyn karo? Maamulka dawladda awood ma u leeyihiin barnaamijka waqtiyeysan qodobada ka kooban heshiiska in waqtiga loo qabtay lagu dhammeeyo? Warbaahinta xisaabtan ma kula jirta xukuumadda?

Haddii aan arrintan faalo gaaban ka bixiyo, waxaa muhiim ah in la ogaado warbaahinta sida iyo waxay mujtamaca u gudbineyso taasoo saameyn nusqaan ama wanaag keenta dhalin karta (positive or negative). Sidaa darteed, waa in warbaahintu lagula xisaabtami karo doorkeeda dhedhexaadnimo oo aan haba yartee buunbuunis laheyn. Ha yeeshe dhexdhexaadnimada macnaheeda ma ahin in xaqa iyo xaqdarradaba dhexdhexaad laga ahaado oo dulmiga iyo dulmidiidka dhexdhexaad laga ahaado oo garta iyo gardarrada dhexdhexaad laga ahaado.

Doorka kale ee warbaahintu ku leedahay mujtamaca waxaa weeye iyadoo fidisa macluumaad keeni kara isfahamka mujtamaca dhexdiisa. Doorka waa muhim haddii la doonayo in mujtamacu ku tallaabsado isbedel. Waa in warbaahintu wacyi gelin ku sammeyso waxyaabaha bulshadu ay danta ugu jirto.

Tusaale haan: Warbaahintu waxay kari karta inay dadka ku abuurto faham qoto dheer gaar ahaan arrimaha ku saabsan waxyaabaha iyagu ay welwelka ka qabaan sida shirarka wada tashiga. Natiijooyinkii  ka soo baxay shirkarkii hore iyo wixii ay ku dambeeyeen. Waajibaadka xukuumada Ku Meel  Gaar ka saaran xaalada kala guurka. Dagaalada lagula jira kooxaha hubeysan ee mucaradka. Gar miya mise waa gardarro kuwa mucaraadka oo ku andacoonaya in dalka lagu soo duulay oo shacabka la heysto taasoo ay shardi ugu dhigayaan inay wadahadal geli doonaan haddii waxaa ay ku sheegaan ciidanka soo duulay in dalka ka baxa. Sharciyadda joogista ciidamada AMISOM ay joogaan Soomaaliya. Sidee yahay doorka beesha caalamku ku leedahay arrimaha Soomaaliya, doorka dunida Carabta iyo umadaha islaamku ku leeyihiin Soomaliya. Mujtmaca madaniga ee Soomaaliya ma yahay mid ka soo baxay hawsha uu u xilsaaran yahay? Ajendaha iyo aragtida wadamada deriska ay ka qabaan Somaliya. Abaaraha soo noqonoqda iyo sida looga gaashaam karay macluusha hadda shacabka Soomaalida la il daran yahay.  Isbedelka cimilada saameynta ay ku leedahay degaanka. Qasaaraha naf iyo maalba leh ee dalka soo gaaray inta burburka lagu jiray, dhibaatooyinka qabiyaalada iyo sida looga bixi karo, faa´iidada iyo qasaaraha maamul goboleedyada iyo nidaamka federlaaka ma ku haboon yahay Soomaaliya. Maqaamka gaarka ah ee Muqdisho oo hore loo shaaciyay iyo sida ay isu qaban karaan in dib loo soo celiyo wixii la oran Gobolka Benadir oo ka koobnaa Muqdisho iyo labad Shabeelle. Madaxweynayaasha heerka tuulo. Kala goynta Soomaalida. Tayada kuwa lagu sheego inay hoggaamiyayaal yihiin iyo nidaamka 4.5 iyo saameynta uu ku leeyahay qarannimada. Heerka ilbaxnimada iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed. Tayada xubnaha barlamaanka iyo xukuumada, maxay qabteen maxayse qaban waayeen, odoroska mustaqbalka Soomaaliya muxuu noqon doona marka laga fiiriyo wixii la soo maray iyo xaaladda imminka la joogo. Fasiraada Diinta Islaamka laga bixiyay qalad miyaa mise waa sax? Dhibaatooyinka heysta dadka qaxootiga Soomaalida ee dibedaha ku nool. Tahriibka. Nolosha dadka barakacyaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa. Sunta badda iyo berriga Soomaliya lagu shubay iyo aafooyinka ka dhashay iyo sida ay u saameyn karaan nolosha dadka mustaqbalka. Waxa lagu sheego burcad badeeda, kalluumeysiga xaraanta ah ee shisheeyuhu ka wadaan xeebaha dheer ee Soomaaliya. Dhibaatooyinka hubka lagu soo daldalaayo Soomaaliya. Awooda jilayaasha siyaasadda Soomaaliya u leeyihiin inay dalka iyo dadka dhibaatooyinka noocyada badan ka saaraan. Hantida la lunsaday iyo dadka lagu tuhunsan yahay sida laga yeelayo. Hantida lagu sagootiyay siyaasiyiinta waayay kuraasta. La tacaamulka beesha caalamka ee hinjinta diblomaasiyadda caalamiga gaar ahaan tan laba doceedka  iyo tan docaha badan(bilateral and multilateral). Musuqmaasaqa. Dambiylayaasha dagaal iyo sida laga yeelayo, (ma istahilaan in maxakamadda caalamiga ee dembiyada in la hor geeyo.) Dadka caadeystay inay dadka dilaan haddana aan la maxkamdeyn.  Joojinta fal dambiyeedyada.  Adkenyta nabadsugidda gudaha iyo ka qaybgalka dadweynaha ilaalinta nabadgyelada sida dhismaha guutooyinka difaaca madaniga. Dadka diaspora ah ee loo dhiibay jagooyinka sarsare ee dalka dhibaataa dalka ma ka saari karaan? Qaraabokiilka ka socda jagooyinka shaqada dawladda . Kuwa lagu naasnuujinayo meelaha ilaha dhaqaalaha. Jagooyinka ilaha dhaqaalaha oo habka qabiilka lagu bixiyo. Maxay soo kordhiyeen warbaahinta noocyada badan ee dalka ku soo biiray mudada burburka? Heerka sugaanta Soomaalida. Tayada waxbarashada. Mustaqbalka dhalinyarada Soomaalida ee ku dhashay kuna korty dibeddaha. Qaab darrada dadka nolosha u abareen mudada burburka  iyo sidii looga badbaadin lahaa. Sida  saboolnimada looga koro ayadoo lagu dhaqaaqayo ganacsi xaalaal ah iyo hawlo kale oo sumcada qofka aaney waxba u dhimeynin, dhismaha nidaamka dhaqanka ee Koonfurta iyo wixii soo raaca.

Warbaahinta waa inay dadka u ifisaa waxyaabaha aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo aan soo sheegin oo hadda xusuusteyda ka maqan.

Waxbarista dadka waxaa ka mid ah u sheegidda xaqiiqda asaasiga ah taasoo wanaajineysa hab nololeedkooda (lifestyle), wax soo saarka dhinaca beeraha, xoolaha, dhaqaalaha, waxbarashada, dhaqanka iyo siyaasadda. Warbaahinta waxyaabaha ay tabineyso waa inay ku fooririsaa sidii mujtamca uu uga qayb geli lahaa xagga horumarinta. Dadku waxay baranayaan baahida loo qabo inay si wadajir ah loo wada shaqeeyo iyadoo si masuuliyadi ku jirto loo qaadanayo hal abuur ”initiative” ujeeda sidii loo unko mashaariic, kooxo iyo ururo ujeedkoodu yahay horumarinta. Sidaa darteed, warbaahintu waxaa xil ka saaran yahay inay barto dadweynaha una kala bixiso mudnaanta xagga wax qabashada, iyo sidii ay uga qayb gali lahayeen hawlaha horumarinta oo lala dejiyo qorshe sidii isbedelkaasi ku imaan lahaa, laguna kaalmeeyo sidii qaab cusub loo adeegsan lahaa oo loola jeedo isbedelkaas isla markaana la dejiyo stratejiya dhalin kara isbedelka xagga dhaqaalaha, siyaasadda oo dadweynaha loo macneeyo ujeedooyinka laga leeyahay mashariicda kala duwan isla markaana lala hirgeliyo.  Waxaa la rumeysan yahay inay warbaahintu tahay nuuxiyayaasha (dynamics)ka isbedelka ku immanayha mujtamaca.

Warbaahintu waxay kaalmeysa sidii ay u qaabeyn lahayd ray’iga dadweynaha (formation of Public opinion) isla markaana ay isbedel ku sammeyso baxaaliga (attitude) dadweynaha. Waxay kaloo kaalmeysa dawladda sidii ay u qotomin lahayd ajendooyinkeeda waxayna kaabad u tahay isku xirta u tahay miida mujtamaca (elite) oo ay fekradahooda isugu gudbiyaan.

Doorka warbaahinta waxaa kaloo ka mid ah inay baritaarto nabadgelyada. Tani aad bey muhim u tahay haddi la rabo in dadka uu isbedel ku dhaco. Ma suuroobeyso inay dadku wax qabtaan iyagoon aan mid aheyn.

Warbaahintu waxay hinjin kartaa nabadda mujtamaca dhexdiisa ayadoo ay u mareyso fagaare ara’a la isku weydaarsanayo, gole lagu doodo iyo iyadoo dadweynaha barta muhimadda nabada u leedahay horumarinta dalka iyo dadka. Waa inay iska ilaalisa dhan u janjeeris iyo nin tooxsi.

Doorka kale ee saxaafcadda ku leedahay mujtamaca waxaa ka mid ah inay dadweynaha madaadaliso taasoo horseedeysa in dadka wax loogu sheego waxna lagu baro. Madaalada waxay muhim u tahay habka nolosha ee dadweynaha. Dadka badankood waxay madaadaalo u heystaan oo keli ah waa heesaha iyo suugaanta kale. Madaalada waxa ka mid ah baraamijta xiisaha gaar ah leh oo ka hadlaya meelo badan oo ka mid ah mujtmaca sida waxbrashada, culunta sayniska, teknolojiyada cusub, xaaladaha taagan “current issues”, sheekooyinka xiisaha gaarka leh iyo wixii kale ee soo raaca.

Haddii mujtamaca la maadaaliyo geesta kale wax looga sheego taasi waxay taabaneysa maskaxdooda waxayna si wax tar leh saameyn ugu yeelaneysa inuu mujtmacu is bedelo.

Haddii la rabo in mujtamaca la gaarsiiyo isbedel kama dambeysa warbaahintu waxay tahay kaabada keli ah ee hawshaas loo isticmaali karo dadkuna waxay gaarayaan horumar wax tar leh oo aad u ballaran waxaana soo noqoneysa kalsoonida dadku isku qabaan.

Waa istaahil ah in la wax la iska weydiiyo doorka warbaahinta shisheeyaha ee ku hadla afka Soomaaliga saameynta ay maanta ku leeyihiin arrimaha murugsan ee Soomaaliya ka jira. Waa run inay afka Soomaaliga ku hadlaan oo rag iyo dumar Soomaali ah madax iyo wariyayaal ba ka yihiin. Dadka Soomalida qaar ayaa ku andacooda in idacadaasu yihiin kuwo ka shaqeeya danta Soomaalida oo idaacada ku hadasha Afka dawladda intii ay hawada ka maqnayd ay idaacadaha shisheeyaha badiil u ahayeen Idacaadda Qaranka Soomaaliyeed.

Idaacadhaaasi shisheeyaha sida BBC qaybta Afka Soomaliga iyo VoA qaybta Afka Soomaaliga waxay qayb ka yihiin jahawareerka dadka Soomaaliyeed marka laga fiiriyo xallinta khilaafka siyaasiga ee Soomaaliya yaala gaar ahaan burburinta jirista qarannimada Soomaaliya iyagoo u maraya nidaamka isticmaarka nooca cusub.

Labada hay’adood waxay isku daraan oo ay idacaadahooda ka sii daayaan wax sun iyo wabaay ah iyo wax malaab iyo macaan ah laakinse ujeedku yahay in shacabka Soomaalida la cabsiiyo sunta iyo waabayda laguna furo brobagaanda tashwiish lagu gelinayo shacabka si ay u waayaan xal ka gaaridda mushkilada daba dheeraatay ee Soomaaliya. Waxaa kuwaas la mid ah qaar ka mid ah Idaacadaha FM yada gudaha dalka ka jira.

Idaacadda BBC qaybta dibedaha la hadasha waxaa dhaqaalaha siiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska iyadoo loola jeedo in wadamadii mar uu Ingiriisku gumeysan jiray lagu furo tashwiish si aaney uga maarmin gacanta iyo kaalmada Ingiriiska oo shuruudo badani ku xiran yihiin iyo in ingiriisku ku ilaashada danaha dhaqaalaha uu ka leeyahay wadamaadaas.

Ingirisku waa quwadda Soomaaliya shanta meelood u kala qaybiyay markii Afrika ay quwadaha isticmaarkuy ku qaybsadeen magaalada Berlin 1884 haddana ku taamaya inuu Soomaaliya u sii kala qaybiyo imaarado yaryar oo aan tabar badan lahayn laguna abaadiyo Soomaaliya xaaladda ay hadda ku jirto.

Tusaale: Maxaa ka dhalan karaa haddii  dadka la dhaqo iyo kuwo wax dhaqo iyo dadka aan wax miisaan ah oo ay ku leeyihiin mujtamaca aanu jirin si isku mid ah wax looga weydiiyo xal Soomaaliya. Fiiri barnaamijka sheeko gaaban iyo wacitaanka dhagaystayaasha iyo barnaamijka faaqidaadada todobaadka.

(Insha Allahu qormo kale ayaan ka soo diyaari doona).

Iyadoo laga duulayo fekerka xoriyadda saxaafadda waxaa dalka Soomaalida ka dhashay warbaahin tiro badan gaar ahaan nooca elektronida maqalka iyo muuqaalka, wargeysyo, kuwa online ka, isku xirka bulshada, iyo kuwo kale. Maxay ku kordhiyaan samatabixinta iyo horumarinta Soomaaliya? Su’alaahaas iyo kuwo kale bal dhuux ee ku muuji websiyada afka Soomaaliga wax ku qora. Saxaafadda Soomaalida ma gudatay waajibka ka saaran dalka iyo dadka?

Ugu dambeynta waxaan ka codsanaya dadka ku jira saxaafadda Soomaalida inay hadda wixii ka dambeeyay ay yeeshaan ajenda qaran oo ah badbaadinta  Soomaaliya iyo dhib-u-dhiska qaranka Soomaalida cusub si Soomaaliya ay mar kale u noqoto amaba ka sii fiican burburka ka hor isla markaana laga ilaaliyo wax ajendahaas wax u dhimaya. Waa in shacabka Soomaalida loo tilmaamo inay iyagu isku tashadaan mar haddii beesha caalamku aaney dan iyo heelo ka lahayeen dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka adduunka ugu hodansan marka laga eego xagga kheyraadka dabiciiga iyo waxtarka aadanaha

Wa billaahi Towfiiq.

 

Qoraha: Abdulkadir Mohamoud Walayo

Email address: walaayo@yahoo.com, walayo@hotmail.com

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: