HABKA FEDERAALKA MACNO AHAAN XITA UMA DHAWA: “LA-JIIFIYAANA BANAAN”

HABKA FEDERAALKA MACNO AHAAN XITA UMA DHAWA MAAHMAAHDA CAANKA NOQOTAY EE AH ”LA JIIFIYANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN’’

Habka Federalka oo maanta si aan rasmi aheyn dalkeena magac-ahaan ugu suntan ’Jumhuuiyadda Federaalka Soomaaliya’ ma ahin magaca ummadda isku waafaqsan tahay amase ummadu ay rabto in dalka lagu maamulo habkaas walow ay jiraan shaqsiyaad sheegta inay madax ka yihiin gobollada oo gumeysigu sanka ka galay in habkani dawo u noqon karo dhibaatooyinka ka jira dalkeena.

Sandulleynta isticmaarka waxaa kale oo garab yaala u laaluusha gaaraya ilaa balaayiin dollar oo lagu laaluushay kuwa hoggaaminta dalka Soomaaliya xooga ku heysta oo aan haba yaraatee qabin kalsoonida buuxda ee shacabka.

Inkastoo uusan suura gal noqon doonin damaca waalan, hadane gumeystaha iyo kuwa Soomaali ah oo u shaqeeya waxaa ka dhaadhacsan oo ay rabaan in nalka Soomaaliya laga soo daaro Addis Ababa taasoo imminka ayadaba la il diran qalqal siyaaso, dhaqaale iyo bulsho.

Habka Federaalka waxaa xalaal ama xaraan ka dhigi kara kaddib marka ummadda laga qaado afti dadweyne waxa loo yaqaan ‘’referendum’’ ee Haa ama Maya Dustuurka si habkaas uu ugu dhaco xukunka shacabweynaha oo ay habka Federaalka ku dhaqankiisa ku oggolaanayaan amase ku diidayaan. Tallabaas wixii ka horeeya sharciyan waa wax kama jiraan. Federaalka hadda la sheegayo waa wax afka qalaad lagu yira oo loogu yeero dhinaca sharciga:
‘’Null and Void’’.

Waxa halka ka muuqaneysa in ummadda lagu jujuubayo oo sanka looga durayo habkaas weli dhiciska ah waxaana gar iyo gardarro garwadeen ka ah kuwa dulaal u ah gumeysiga madow ee duug ah iyo kan imberiyaaladda caalamiga ah si uusan weligii uga lug bixin arrimaha gudaha ee u gaarka dadkeena iyo dalkeena si aanan weligeyn uga bixin jahawareer siyaasaso, dhaqaale, bulsho iyo amaan.

Waxa kaloo jira kuwo iska caadifeysan oo gurdan raaca oo jidbo qabiileysan qaba ayagoo maskaxda looga abuuray wadada keli ah oo lagu sixi karo qaldaadki dalka ka dhacay ilaa 1991 uu yahay habka federaalka. Taas run ma ahin inkasto ay jireen tacadiyo badan oo ummadda isku gesatay markii ay dagaalada qabaliga ah dhex qarxeen ummadda Soomalida.

Maanta waxaa caasimada laga helayo hanti ma guurto ah oo dad badan oo Soomaali ah ay leeyihiin oo muddo ku dhow 30 sano xoog lagu heysto.

Ayadoo gumeysigu uu ka faa’iideysanyo xanuunka ummadda ka soo gaaray dagaalada qabaliga waxaa Soomaalida dusha looga keenay habka ’FEDERALKA’ oo isticmaarka uga jeedo in dalka loo kala qaybiyo imaarado taag daran oo qabiilqabiil u kala qoqoban. Ujeedada ka dambeysa uu isticmaarku arrintan ka leeyahay ay tahay: ’QAYBI OO XUKUN’.

Nin ka mid ah kuwa dustuurkan soo qoray ayaa mar wax laga weydiiyay sababaha ka dambeeya in dustuurka loogu soo daray qodobada ku saabsan awoodaha siman oo ay isla leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaraha gaar ah weliba marka laga eego qodobka sheegaya in Madaxweynaha iyo RW ay xubnaha ama xubin ka tirsan Golaha Wasiirada oo midkuu doono Golaha ka eryi karo.

Iska horimaadka halkaa ka dhasha muxuu keeni kara ayaa la su’aalay Khabiirka Dustuurka wuxuuna ku jawaabay: ’Marka horeba waa inuu Madaxweynuhu soo magacaabo RW ay saaxiib yihiin. Halkaa waxaa ka muuqaneysa in fasiraada dustuurka lagu dhameyn karo si saaxibtimo iyo musuqa nooca loo yaqaan ’ii xoq aan kuu xoqee’, ’’xeer-jajab ama haddii si kalo loo yira Soomaalidu yaaney siyaasiyan kala bixin oo qoorta ha isugu jireen weligooda halkaana uu gumeysiga ka qunsado danaha uu ku taamayay qarniyaal.

Dad badan oo sii qoto dheer u aqriyay waxay soo ogaadeen inay jiraan qodobo badan oo iska horimanaya oo kuwi sammeeyay xitaa aaney si cad oo waadax ah u fasiri karin.

Dadka u kuur gala siyaasadaha Soomaalida waxaa u muuqaneysa in fekerka federaalka uusanba markiisi hore ahayn feker Soomaali maskaxdeeda ka soo maaxday. Waxaana ka muuqaneysa in ummadda dusha lagaga keenay. Taas waxaa u daliil ah in nidaamkan uusan marin geedi (process) ay dadku sida badan raali ka yihiin marka laga tago fasirka qaladka ay ka bixiyaan dustuurka kuwa qabiilka ku qaraabanaya ee Gobollada hoggaamintooda sheeganaya oo uu shakiga ku jira iay daacada ay yihiin iyo in kale jiitaanka qarannimada Soomaalida.

Haddiiba looga jeeday in federalka lagu daweeyo xanuunka laga dhaxlay dagaalka qabiilqabiilka taas dawo ma u noqoneyso sababta oo ah muddo ku dhow 20 sano ayuu nidaamkani dalka ka dhaqan geli la’ yahay.

Waxa jira darooqooyinka badan oo kale oo xurguftaas lagu daweyn karo waxaana kow ka ah dhismaha nidaamka ’Unitary State’. Taas waxaa hore uga marag kacay Marxuum Cabdirazak Haji Hussein oo lixdameeyda Ra’isal Wasaare ka soo noqday dalka.

Eeg nidaamkan siyaasadda Guddoonka Dhexe
’’Decenteralized Unitary system’’ waxaa ku dhaqma 165 dal oo ka mid ah 192 dal oo xubnaha ka ah Ururka Qaramada Midoobay ee UNO. Taas waxaa macnaheedu yahay in 27 dal ama wax ka yar ay ku dhaqmaan habka federaalka ama hab kale ayadoo ay taas ugu wacan tahay bulshooyinkooda oo aan isku dhaqan aheyn xagga dinta, dhaqanka iyo oo si weyn u kala duwan.

Haddii aan tusaale u soo qaadano wadamada ku dhaqma habka ’Unitary State’ waxaa ku jira Great Britain iyo Woqooyiga Ireland. Ha yeeshe Woqooyiga Ireland, Wales iyo Scotland ayaa heysta xooga awoodo ismaamul gudahooda.

Awoodahaasna waxaa oggolaado Barlamaanka dalka UK oo heysta awooda uu ku soo saari karo shuruuc, baabi’in kara amase keli ahaan ayadoon lala tashan dawladaha hoose.

Waxa jira kuwa kale oo ku dhaqma nidaamka ’unitary state’ waxaana ka mid ah Italy, Japan, dalka Shiinaha, Filippine, Bangladesh, Indonesia, Algeria, Denmark, Kasakhstan, the Democratic Republic of Congo, Morocco, Uganda, Haiti, Guatemala, Iceland, Kenya iyo kuwo kale.

Tusaale: Nidaamka ’Unitary System’ wuxuu qof walba xaq u siinaya inuu dalka hoggaankiisa sare qabto ayadoo loo marayo doorasho xor iyo xalaal ah halka nidaamka Federaalka ay koox hoggaanka gobolka ay ku heli karto si xaraan ah oo u nugul ku-shubaso iyo musuq ku dhisan qabiyaala. Habkan waxaa awoodaha lagu fidin kara gobollada waase haddii ay jiraan karti xagga aqoonta ismaamulka.

Waxaa imminka isa soo taraya diidmo ama toos amase tu dadban oo ka imaaneysa xagga shacabka oo laakinse iska gaabis ah lana la moodo inay gacamaha ka laabanayaan ku dhaqanka federaalka. Xaaladdu waxay u muuqata is-mari-waa (standoff) u dhexeeya kuwa VILLA SOMALIA iyo agagaarkeeda ku xareysan iyo kuwo xoogga ku heysta gobollada. Marka dambe shirkaas wuxuu ku sigtay in lagu kala dareero ay ayadoon aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Si la iskaga ilaaliyo weji gabaxa waxaa maanta ka soo baxay kulanka war murtiyeed aan ayadoo dhan aan bartan ku soo daabici doono.

Dustuurka wuxuu ku jira dib-u-eegis. Waxaa gacanta ku haya Wasiirka Dustuurka oo ah qofkii shalay soo qoray dustuurkan oo ay ka buuxaan qodobo is-burnaya oo weliba isku miliqsan oo ay adag tahay in la fasiro. Inkastoo hawsha la hakiyay, bal aan aragno Wasiirka Dusturka waxa ka soo baxa dib-u-eegista oo isaga hortiis loo aaminay guddiga ka tirsan barlamaanka inuu hawshaas fuliyo inkastoo la soo sheegay in guddigasi hawshiisa la hakiyay/joojiyay.

La yaabka ah in nidaam qabyo ah laga shaqeysiiyo waxaa arkay warbaahinta caalamka oo su’aalo badan ka keenay sida looga shaqeysiin karo wax aan dhameystirneyn,

Mar sii horreysay wariye ka tirsan Idaacadda Al-Jazeera qaybta afka English Peter Grest ayaa waxa uu la yaabay sida ay isugu qabaneyso dustuur KMG oo Federaal ah oo hadane la leeyahay wuxuu ku jira dib-u-eegis sidee baa siyaaso ahaan dalkan loogu dhaqi kara.

Wariyaha ayaa weydiiyay Ra’isal Wasaare berigaas Abdi Faarah Shirdoon ’Saacid’ inuu fasiro sida wadan loogu maamuli karo nidaam weli ku jira dib-u-eegis. RW wuxuu ku jawaabay sidaas ayaan ku heshiinay. Wariyaha isagoo fajacsan ayuu ku tilmaamay inay talaabada macnaheedu yahay dayaarad hawada sare laleysa oo cilla farasmo ku timi uu farsamayaanku lee yahay dayaaradd ayaan cillad bixinaya. Saas ayaanu ku heshiinay, ayuu ku yiri RW.

La soco qaybta 2aad.

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: