JAHAWAREERKA SIYAASADA SOOMAALIDA

Dalkan ku yaala Geeska Afrika dawladnimo tis qaada waxay muddada dheer uga curan weyday waxa sabab weyn u ah una ahaan doonta mustaqbalka laba arrin oo qatar ku ah sii jiritaanka nolosha guud ee ummadda gaar ahaan gobannimada (sovereignty) iyo madaxbanaanida (Independence): labadaas arrin waxay kala yihiin: ’’Qabiyaalada iyo Musuqmaasaqa” .

Musuqa waa dhaqan xun oo nolosha ummadda qarriba waxaana ka mid ah kuwa maamulka haya oo si xun u adeegsada awoodaha loo aaminay, shuruucada oo la jebiyo, noocyada kala duwan ee qiyaamada loo isticmaalo, naasnuujin, qaraabo-kiil, xatooyo xoolo dadweyne, awood-sheegasho, sharciga oo la baal maro, eex, markhaati-beenaale, seegnimo, jaasuusnimo, xil-gudasho la’aan, akhlaaq xumo, sariig la’aan, nafta oo ka qaalib noqoto isticmaalka mukhadaraad noocyadiisa kala duwan taaso ku keenta qof inuu si xun dhaqaale ku raadiyo si uu balwadiisa u dilo, dumarka oo lagula kaco anshax xumo, xanuunada faafa oo aanan mujtmaca laga dhowrin, been abuur, canshuurta oo lala baxsado, turufo, burcadnimo, kooxo diimeed ka soo diin qaaday afkaaro kala duwan oo qaarkooda diin la qalloociya wata, saaqidnimo, hakin ama is-hortaago shaqo ay ummaddu leedahay, sharci la’aan xoog wax lagu muquuniyo, go’aanka garsoorka oo la horjoogsado ’’obstruction of justice’’, hurin shaqaaqo, jasuusnimo shisheeyaha loogu adeego oo qaran-dumis ah, dhiirigelin qabiyaaladeed, ka faa’iideysiga xoog qof maanka ka dhiman, xoog ku haysasho hanti booli ah, erayo been ah oo ummadda lagu kicinayo, dhalinyarada oo loo isticmaal dagaalada qabaliga, dumarka oo anashaxa laga qarriba, iyo waxyaabaha fasahaadka oo ay ka mid yihiin iyo daroogada kala duwan sida jaadka oo gabadhaha soo koraya lagu sasabto sii loola tunto.

Sida badan waxaa musuqa lagu fasira qof lagu aaminay awood maamulka guud ee dalka oo si aan si sharciga waafaqsanayn ugu takri fala hntida iyo heybada dalka.

Qabiyaalada haddii loo isticmaalo maareynta iyo maamulka nolosha bulshda waa aafo ka sii daran musuqmaasaqa ayadana ayaa ah hooyada xumaha oo dhan iyo dhaxalka musuqu leeyahay. Waxayna saameyn xun ku yeelatay horumarka mujtamaca. Ilaa hadda lama hayo qof qabiyaalada ku aflaxay marka laga soo bilaabo xoriyadda kaddib iyo ka hor. Sababta ugu weyni waxay tahay dadka oo aan ilbax ahayn isla markaana aan qabin aqoonta aasaasiga ah iyo xuquuqda uu leeyahay iyo masuuliyadda ka saaran dalka iyo dadka. Badankooda waxay ka soo jeedaan dhulka baadiyaha oo qabaai’lku ku diriraan biyaha iyo baadka marka ay gabaabsiga noqdan gaar ahaan xilliga abaaraha oo biyo la’aantu ay dhacdo.

Waxaan raba inaan idinla wadaago xog hadda ka hor ay Hooyo Soomaali oo iigaga sheekeysay qiso dhacday dagaalkii Dhagaxtuur oo 1949 Gumeysiga Talyaaniga ku laayay dad Soomaali ah oo isu soo baxay oo diidana gumeysiga. Dadku waxay diideen inay joojiyaan mudaharaadka oo ay guryahooda ku noqdaan. Dadku markii ay diideen inay sida yeelaan ayaa Talyaanigu tacshiira xoogan ku furay waxaana halkaa ku naf waayay dad badan oo Soomaali ah. Waa tan loo dhisay taalada Dhagaxtuur oo ahayd goobtii uu ka dhacay mudaharaadka shilka sababay.

Dadweynaha degena agaagaarka xaafadda Dhagaxtuur ayaa u soo gurmaday dadka tacshiirada ku wayeeloobay – kuwa dhaawacmay iyo kuwa dhintay. Inta ay socotay hawsha gurmadka ee kala soocista ayaa waxaa dhacday marka meyda la gediyo si loo aqoonsado wejiga ay dadka qaar lahayeen: ’’KAN KEENI MA AHIN’’ iyo ’’KAN KEENI WAAYE’’ iyo meyd la kala jiito anaga leh iyo anaga leh.

SABABAHA AY DAWLA UGA HIRGELIWEYSAY SOMALIA.

Qabiyaalada iyo musuqa waa laba shey oo isku xiran kuna abuuran dhiiga Soomaalida mana muuqato waqtiyada dhow ee soo socda in ummaddda ay ka caafimado xanuunka waayo nidaamyada dawladnimo ee soo maray dalka iskuma hawlin sidii loola diriri lahaa qabiyaaladda ayadoo qalabka lagula dagaali karay at tahay dadka oo aqoontooda iyo hanaanka warbarashada sare loo qaado lana gaarsiiyo heerka caalamka oo dhan waxbarashada lagu maamulo.

Xisbiga Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo dalka gaarsiiyay xoriyada 1960 waxaa dustuurkiisa ugu horeeyay qodob ku saabsan la dirirka qabiyaalada iyo waxaa soo raaca. Nasiib darro xoriyadda marka la qaatay kaddib maamulka dalka waxa hafiyay qabiyaala iyo musuqmaasaq iyo doorashooyin caado u noqotay in lagu shubto amase macmal ah.

Markii la afgembiyay maamulka ra’yidka ahaa 1969, waxa hoggaanka dalka la wareegay ciidanka xoogga waxayna ku ballan qaadeen inay dalka gebi ahaanba ka tirtiri doonaan qabiyaalada iyo Musuqa. Nasiib darro ballanmahaasi waxay ahayeen kuwo afka baalkiisa oo aan waxba laga qaban muddo ka badan 20 sano.

Markii ay burburtay dawladdi dhexe ee Soomaaliya 1991, jabhadihii hubka qaatay, gaar ahaan tii USC waxay awoodi waayeen inay dhisaan nidaam dawladeed oo ummadda mahadiso waxayna muddo gaareysa 10 sano horseedeen dagaalo ku dhisan qabiyaala kaddibna u xuub siibtay jufjufo iyo jilibjilib taasoo ummadda sii xoog ah u sii kala fogeysay oo ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay.

Sanadaka 2000 waxaa Tuulada Carta, Djibouti, waxaa lagu soo dhisay waxa lagu tilmaamay xukuuma KMG ah oo Federaal ah ayadoo habkan uu si gooni ah ugu ololeynaya hal gobol awood-qaybsigana la dhigo hab ku dhisan qabiil nooc loo bixiyay 4.5 – Afar qabiiil oo lafweyn ah (Laan Dheer) yo qabiil kale oo nus oo laf-yar Laan Gaab). Labada hab midkoodna dawo uma noqon dibaatada ilaa hadda dalka ka jirta.

Sida darteedna ummadda waxay oggolaatay amase la oggoleysiiyay in qabiyaalada hay’ad ahaan lagu yegleelo oo lagu dhereriyo haykalka hay’adaha Dawladnimada (Institutionalized tribalism). Xili hore iyo kan maanta la joogo, tallabadan qabiil-wax-ku-qaybsiga oo hore Soomaalidu u soo tijaabisay waxaa soo baxday in fasaadkani aan sinaba looga jibo gaari karin dawladnimo hanaqaada oo ummadu ay mahadiso. Taa waxay noqotay tallaabo lagu guuldareystay oo ummada guud ahaan qabiilka iyo gaar ahaan jufo hoose midkoodna uu awood u yeelan waayo inuu ku tallaabsado maamul wanaag, horumar iyo bareere.

Waxaa keli ah oo laga dhaxlay waxay ahayd qasaare isugu jiray waqti iyo maal ummadda si bilaash ah uga lumay waxayna Soomaalida ay la jaanqaadi weysay, dhinaca horumarka iyo baraaraha, dadyowga kale ee adduunyada kula nool ay ku tallaabsadeen.

Habka awood qaybsiga 4.5 ama 5 ama ka badan marnaba midkooda ka fursan maayo cadaalo darro waayo sadbuursiga wuxuu ku saleysan yahay waxa Soomaalidu meel kasto ay joogto u taqaano “laan-dheerenimo” hadoof ah “flimsy” oo aan lagu saleyn tirokoob rasmi ah oo ummadda laga qaaday.

Dhacdooyinka maalmahaan ka socoda Muqdisho waxaa loo nisbeyn kara isla weyni qabiyaaladeed ’’Tribal hegemony’’ oo dadka qaar ay qabaan reer hebel qof ka soo jeeda dalka ma hoggaamin karo.

W/Q: C/qaadir Maxamuud Walaayo

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: