Lack of clear political strategy (Dal Jir) political party

XISBIGA DAL-JIR OO XEELADIHIISA OLOLAHA DOORASHADA U ADEEGSANAYO MAGACA HALGAME ABDIKARIIM SHEIKH MUUSE ”QALBI DHAGAX.”

Xisbiga Dal-Jir waxaa u quman inuu ka leexdo xeesha qaldan kana fekero inuu abuuro xeel olole doorasho oo tan ka duwan waayo ku maro-tirashada amase ku maxaafsiga magaca odaga Soomaliyeed Halgama Abdikariim Sheikh Muuse Qalbi Dhagax wax dan ah odaga uguma jirto hadal-heynta magaciisa oo ”siyaasiin” ujeedo leh ay isticmalaan ayagoo ka dhiganaya kaadh ay ku magac-dilaan dawladda Madaxwynaha Maxamed Abdullahi Mohamed ”Farmaajo” isla markaana ay rabaan inay ku gaaraan manaasibka sare ee siyaasadda Soomaaliya.

Tallabada noocaan ah qalad waye oo laga galayo odaga laguna habaabinayo ra’yul caamka waayo Halgamuhu xubin kama ahin xisbigooda isla markaana uma igman ayagaas inay magaciisa u isticmaalaan ujeedo siyaaso uu xisbiga ”Dal Jir” leeyahay. Halgame Qalbi Dhagax tacadi ga ku dhacay waa wax jiray oo dhacay waxayna la xisaabtankeeda kala dhaxaysa dawladda Madaxweyne Formaajo iyo Abdikariim Sheikh Mussa Qalbi Dhagax. Sida darteedna ma haboona in igu sawir iyo brobagando loo isticmaalo waayo taasi waxay dhawaceysa sumcada Halgamaha isla markaana waxay is-dil siyaaso ku noqoneysa hanka xisbiga ”Dal Jir” uu ku qabo inuu hogaanka dalka qabto.

Sida darteeda, ”Dal Jir” waxaa haboon inay aamudaaan xeelado cusub ee ku aadan doorashada ay galayaaan oo aan ku dhisneyn qabiil gaar ah laakinse ay ku soo jiidan karaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Haddii aan dib u noqdo, 2dii September 2017 waxaan bartan FB ku soo saaray qoraal dheer oo aan kaga hadlayo qabashadi Halgama Abdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi Dhagax” laga soo qabtay magaalada Galkacyo. Qoraalkaas waxaan cinwaan uga dhigay ”FORMAGGIO FIASCO” oo macnaheedu qafaalka Qalbi Dhaxa inay ahayd arrin aan hore si wacan lagaga fiirsan oo si xun loo qorsheeyay oo gadaalka si xuna ku dhamaatay. Qoraalkaas waxaan qoray kaddib markii ay dawladdu ka aamustay arrintaas inay caddeyn ka bixiso qafaalka Halgamaaga. (Qoraalkaas oo dheer mar kale yaan idiin soo dhigi doona si aad uga bogataan).
QAABKA UU DHACAY QAFAALKA ”QALBI DHAGAX”

Waxaan jecalahay inaan idiin soo bandhigo taxliil (analysis) aan ka sameeyay qafaalka”QALBI-DHAGAX” oo siyaabo kala duwan ay bulshadu u aragtay waayo waxay ahayd arrin fasirkeedu isku milqan yahay laakinse u baahan in la eego ”ISHA GORGORKA – HAWKISH EYE”.

Arrintan maan soo qaadeen laakinse waxaan arkay in si meel-ka-dhac ah ay u isticmaalayaan ”siyaasiyiin” gaar ahaan kuwa ”Dal Jir” oo aragti ballaaran aan ku eegeynin basarka lagu dhaqo siyaasadaha gaar ahaan tan Soomaaliya.
Dhacdada qafaalka waxay ka soo bilaabtay magaalada Galkacyo oo laga soo duuliyay Halgamaha isagoo indhaha ka xiran. Waxaa la soo sheegay in la jir-dilay inta hawl-galka qabashada ay socotay waxaana la keenay madaarka Muqdisho halkaaso mar kale hadane lagu jir dilay sawirona laga qaaday oo si jujuub ah loogu tuuray dayaarad garoonka fadhiday loona duuliyay ilaa Goday halkaasoo cay lagula kor dhaanteeyay isagoo indho xiran.

Dhawaci yaa hadane waxaa loogu daray cay lagu jareexeynayo odayga. Markii la geeyay Ethiopia Qalbi Dhagax waxaa lagu riday xabsi ku yaal Addis Ababa waana meelaha ugu xun ee adduunyada dadka nolosha lagu ciqaabo.
Eebe amarkii maalmo kaddib Halgame Abdikarim Sheikh Muuse ”Qalbi Dhagax” yaa xabsiga laga sii daayay kaddib markii dalka Ethiopia uu ka dhacay isbedel qaro weyn oo hoggaanka sare ee dalka sameeyay.

Waxaa si la yaab leh oo mucjisa ah kursiga lagaga tuuray maamulki fasaadka ee Tigreega waxaana talada dalka qabsaday RW Aby Ahmed oo u dhashay Qowmiyada Orormada oo ah Qowmiyada ugu tirada badan Qowmiyaadka ku dhaqan dalka Ethiopia. Isla markiiba Halgamaaga waxa laga sii daayay xabsiga.

Abdikariim Sheikh Muuse wuxuu Addis Ababa kula kulmay RW cusub ee Ethiopia, Aby Ahmed wuxuuna u sheegay in Halgamah xoriyadiisa loo soo celiyay. Labada nin waxay ka wada sheekeysteen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Somaalida iyo Ethiopia.
Sheekadaas waxaan dib ugu noqday waxay ahayd inaad waqti ku qaadataan taxliilka aan sameeyay.

”F1 HANDGRANADE”

Qafaalka Halgamaha marka u fiirsato siduu u dhacay halka laga soo qafaalay, wadada la soo mariyay ilaa meesha ugu dambeyn oo loo gudbiyay, waxaa kuu soo baxay in arrinta loola dan lahaa in lagu magac dilo dawladda Madaxweyne Maxamed Abdullahi Maxamed ”Farmaajo” oo dambi aaney lahayn loo abaabulo. Waxaan tallabada gurracan ku tilmaami karaa inay la mid ahayd Bamb F1 oo biinka laga siibay oo Muqdisho ku qaraxday si dusha looga saaro qafaalka dawladda fadhida Villa Somalia.

Ciidanka soo qabtay oo uu hoggaaminayay Madaxa Ciidanka Nabad Sugidda ee berigaas Abdullahi Sanbaloolshe waxay u suurtowday oo ay awoodeen in Halgamaha ay ka tallaabiyaan xuduuda labada dalka ee Ethiopia iyo Somalia halka u dhow magaalada Galkacyo oo masaafo gaaban u jirta xadka u dhexeeya labada dal. Ma aheynin inay la soo aadaan min Galkacyo ilaa magaalada Xamar. Maxaa keenay in Muqdisho lala soo aado isla markaana (Airport) ka Xamar lagu dhoofiyo ilaa Ethiopia.
Waxaa keentay in shirqoolka qafaalka Abdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi-dhagax kuwa dambeeyay ay rayul caamka gaar ahaan ummadda Soomalida u tusaan in jiirimada laga soo abaabulay Villa Somalia.

Dhowr maalin kaddib markuu shilku dhacay, RW Hassan Ali Kheyre yaa kulan la yeeshay saxaafada ayadoo su’aalaha dhowrka ah ay wariyaashu weydiiyeen. Weydiinta waxaa ka mid ahaa arrinta Halgamaha la qafaashay. Mar uu RW u hinqaday inuu ka jaawaabo, Sanbaloolshe ayaa mikrafoonka qabsaday oo af jigay RW wuxuuna Sanbaloolshe yiri su’aashaada markeeda yaa laga jawaabi doona. Taasi waxay ku tuseysa in arrintu ay tahay mid aad xasaasi u ah ”very sensitive issue” oo meelo badan uu Sanbalooshe og yahay lugaha la galeysay. RW oo talaabo ilbaxnimo muujiyay kama suuroobin in sarkaalka u qaabilsan nabadsugidda iyo isaga inay mikrofoonka iskula dhagaan. Waxaa RW ka muuqatay inuu ixtiraam u hayay sarkaalaka nabadsugidda.

Qafaalka Halgamaha waxaa lagu tilmaami kara inay la mid ahayd Bamb F1 oo biinka lagaga siibay oo ku qaraxday Muqdisho si dusha looga saaro dawladda qafaalka Halgame Abdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi Dhagax” loogu gacan geliyay xukuumada Tigreega iyo maamulka Soomaalida oo beriga jiray.

Qoraalka aan cinwaanka uga FORMAGGIO FIASCO waxa ku jiray meel aan ku leeyahay: ”Qalbi Dhagax Ilaahiis buu qaba laakinse u maleyn mayo in Tigreegu ay seexin doono sariir xariiri ku goglan tahay. Ilaah mahadii qooraalkaas oo buuxa mar dhow yaan idinla wadaagi doona In Sha Allah!
Haddase halkan ka daawada oo ka dhageysta barta HornCable oo wareysaneyso Taliyihii hore Nabadsugidda Abdullahi Sanbaloolshe.

Maalmo kaddib Talyihaha Nabadsugidda Abdullahi Sanbaloolshe jagada yaa laga qaaday.
Kooxda ”DAL JIR” arrinta ku saabsan Halgame Qalbi Dhagax waxaa fiican inay iska dhaafaan bacdama Sanbaloolshe uu ku tilmaamay inay tahay arrin ”tabu” ah oo macnaheedu yahay in aaney dhaqan ahaanba fiicneyn in la soo qaado oo mujtamaceenu aqbaleynin.

Kooxda ”Dal Jir” waxaa la idinka raba inaad idina u aragtaan soo qaadida magaca Halgame Cabdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi-Dhagax inay tahay in soo qaadideeda iyo ku celcelinteeda ay tahay mid aan fiicneyn weliba gaar ahaan ayadoo laga dhiganayo maqaalin siyaaso lagu jilaabanayo.

Kooxda Dal Jir waxaa ololaheeda siyaasada ka mid ah in ”weligeedba siyaasadda la isku heyn jiray”. Degaan ahaan ”environment” maanta siyaaso la isku qabsado Soomaliyia ma joogta. Xukuumada oo nus dariiq hadda joogto oo goolal fiican ka soo hoysay arrimaha dibedda gaar ahaan la tacaamulka hay’daha deeqaha iyo deynka bixiya ee adduunka sida World Bank iyo IMF ka soo kabashada dhaqaalaha.

Kuwa Mucaradka sheeganaya haddii ay xukuumada la shaqeyn lahayn xitaa nabadgelyada gudaha dalka waxba badan oo isbedel ah yaa ka qabsoomi lahaa.
Mar Wariyaha caanka ee HornCable uu la yeeshay wareysi Abdullahi Sanbaloolshe yaa waxa wax laga weydiiyay su’aal ku saabsanayd Halgame Qalbi Dhagax. Sanbaloolshe wuxuu ku jawaabay su’aal kale i weydii.

Boggeyga Face Book ka daawo kana dhageyso su’aalaha barta HornCable ay weydiisay Abdullahi Sanbaloolshe oo ku saabsana qafaalka Halgame Cabdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi Dhagax”

Bartan riix:

One comment

  1. HALGAME ABDIKARIIM SHEIKH MUUSE ”QALBI DHAGAX” IYO SIYAASADA SOMALIA

    Halgame Abdikariim Sheikh Muuse ”Qalbi-Dhaga” wuxuu ku hawlan yahay yahay dano isaga u gaar ah gaar ahaan horumarinta qoyskiisa ee dhinaca waxbarashada iyo dhaqaalaha reerkiisa. Isticmaalka magaciisa ay koox isticmaalayso in ujeedooyin manaasib siyaaso ku gaaraan waxaa la mooda inay tahay talaabo qaldan.

    Ninka oo tacadiga ka soo gaaray qabashadi Galkacyo laga soo qabtay iyo isagoo loo gudbiyay dalka Ethiopia waxay ahayd tallaabo jariimo ah oo aad u qalafsan oo laga galay shaqsi muwaadin ah oo dalkan Somaliya taariikh wacan ku leh.

    AlxamduLillah Halgamaha hadda waa shaqsi xor ah oo doorweyn ku lahaan kara siysaasadaha laba dal ee Ethiopia iyo Somalia iyo kuwa geeska Afrika isagoo og qaabka, sida iyo meesha uu ka bilaabayo iyo cida uu la kaashanyo. Marka ma haboona in xisbi mucaaradka ku ah dawladda Formajo lagu shaabadeeyo oo soo deyntiisi ka hore aaney wax gacan saar ah a

    mase xiriirba lahayn.

    Odaga hawlaha inuu rabo inuu fushado ha loo daayo oo yaanan la qalin daarin.

    Abdulkadir Walayo

Comments are closed.

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: