Qoraal laga dareemi waxa lala damacsan yahay Somaliya iyo sida Somalida u dareensaneyn

Waxaa la gaaray waqtigii xoogaga ku hardamaya dalka Somaaliya – Xukuumada KMG iyo Al-Shabaab – ay joojin lahayeen dagaalka hubeysan isla markaana geli laheeyn wadahadal siyaasadeed ee lagu dhammeeynayo khilaafka dhiiga badan ku daatay ee soo socday muddada ka badan 20 sano.

Qaabeynta iyo ka qaybgalka wadahadalka waa in door wax ku ool ah laga siiyo xoogaga siyasaada ee wadaniga ee aan hubeysneen oo ku soo biiray masraxa siyaasadda si loo heli dad Soomaali ah oo aqoonyahano ah oo la subcin kara lana jaan qaadi kara beesha caalamka, wadamada deriska iyo kuwa kale ee danaha gaarka ah ka leh dalka Somalia oo laga yaabo inay qaarkood ama badankood aaney raali ka aheyen Somalia inay xasisho.

Fekerkaas waxaa igu dhaliyay markaan dareemay inta ay sii socdaan dagaalada Soomaali dhexdheeda ah ay dhici karto in cadawgeen ka faa’iideysto khilaafka dhex yaala ummadda Soomaaliyeed sidaasna dalka gumeysi u gacan galo.

Taas waxaa laga dhadhansan kara qoraal uu Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Richard Momoima Onyanga uu ku soo daabacay Wargeyska AllAfrica bishan May 2dii 2012.

Eeg link ka hoos ku yaal:
Kenya: Time to Push the Political Track in Somalia Stalemate

Isagoo dhowaan ka soo noqday booqasho uu ku tegay Muqdisho, Mr Onyanga wuxuu ku sheegay inuu qoraalkani yahay mid isaga uu gaar ah ee aan loo nisbeyn karin mowqifka dawladda Kenya ee arrimaha Somalia.
Aniga waxaan erayadiisa u qaadanaya taas inay tahay oraah diblomaasiyadeed ee afka baalkiisa ah oo la rabo in lagu malahabaabiyo rayul caamka Soomaalida iyo kan saxiibka la ah Soomaaliya.

Wuxuu qoraalka wax uga tilmaamay siduu u arko Somalia mustaqbalka wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya ay soo galeen geyiga Soomaaliyeed muddo haatan laga joogo lix bilood si ay ula dagaalamaan wuxuu ugu yeeray Al-Shabaab isla markaana ay difaacaan dalkooda.

Ilaa waqtigaas wax badan ayaa dhacay gaar ahaan aaga militariga. Waxaan ku guuleysannay, buu yiri Mr. Onyango, inaan galaangal ka dhex sammeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub sifo ay ciidankeeno uga mid noqon lahayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM taasoo naga yareyneysa, buu yiri, culeyska miisaniyadeena uga immanaya dhaqaalaha ku baxaya hawlgalka ciidanka gudaha Somalia.

Inkastoon gaarnay guulahaas, haddaha waxaa jira, buu yiri Mr. Onyango, bannaan (gap) u dhexeeya dadaalada militariga iyo kan siyaasada ee ka soconaya gudaha Somalia taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga naxo.

Wuxuu sheegay in markii uu Muqdisho tegay oo durbadiiba dareemay inuu gaabis ka jiro hirgelinta qariidada tusmeyneysa sidii looga gudbi lahaa waqtiga ku-meel-gaarka ee loo yaqaan Roadmap. Waxaan la fajacsanahay sida ay suuragal ku tahay in nabad laga gaaro Soomaaliya mudada ka dambeysa doorashooyinka la filaayo in la qabto bisha soo socota ee August ee sannadkan sida ku cad heshiiska Kampala.

Qariiadada looga gudbayo waqtiga ku meel gaarka oo Muqdisho laga soo saaray sannadkii hore wax badan kama fulin qodobada ku yiil sida xasillinta nabadgelyada, dhismaha maamul wanaag, ansixinta dustuurka iyo dib-u-heshisiinta.
Isagoo tilmaamay goldolooladaas, Mr. Onyango wuxuu sheegay in Kenya iyo IGAD ay la wareegaan milkiyadda geedi socodka siyaasadda Somalia sidii horeba ay Kenya ku maamushay shirkii Mbagathi 2004. Markaas waxaan xaqiijin karnaa inaan gaarno xal siyaasadeed oo nabad ku soo dabaala Somalia oo sidaasna culeyska uga yaraado xerooyika qaxootiga ee ka furan Kenya isla markaana ciidankeena dib ugu celno dalka.

Waayaragnimada waxay na bartay in IGAD oo keli ah ay si toos ah u dareemeyso xanuunka ka soo gaaraya xasillooni darrada ka jirta dalka Somalia waxaana haddii ay la dhameeyo qalqalka siyaasadda ee Somalia ka jira ay Kenya ka faa’ideyso.

Haddaba umadda Soomaaliyeed maxaa kala gudboon caadawaha uu soo malabsanaya dhaca iyo boobka hantida iyo kheyraadka dalkeena oo markaan is leh Soomaalida dhulka ayey taala ee ka faa’ideyso.

Shacabka Soomaalida meel kastoo ay joogaan – muxaafad iyo mucaarad – inay u midoobaan samatabinta dalkooda iyo dalkooda si looga guuleysto caadawaha isu soo bahaysto in Somalia qarniga 21aad iyo kun-sanaadkan 3aad ay Somalia gumeysi gasho khyeraadka dalkana cadaawuhu hantiyo.

FIIRO GAAR AH:

SAWIRKA KORE WUXUU MUUJINAYA CIIDANKA KENYA OO FARAHA KULA JIRA GANACSIGA SHARCI DARADA EE DHUXUSHA SOMALIA. KDF UMA JOOGA NABAD-ILAALINTA SOMALIA BALSE WAXAY U JOOGAAN DHULBAARSIGA IYO BOOBKA HANTIDA SOMALIA AYAGOO KA FAA’IIDEYSANAYA XAALADA DALKEENA KA JIRA

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: