WARAAQ FURAN

WARAAQ FURAN
Mustaqbalka Soomaaliya oo mugdi ku jiro
Waxaa soo qoray Abdulkadir Mohamoud Walayo
December 9, 2010

Ku socota: Dhammaan ummadda Soomaaliyeed kuwa caqliga iyo aqoonta u saaxiibka ah

Waxaan ka fursan waayay oo dantu igu qasabtay inaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed u diro warqaddan furan si aan u xusuusiyo in dadkeena iyo dalkeenaba ay ku filan tahay in ka badan 20 sano oo dagaal sokeeye oo aan haba yaratee sababtiisa aaney cidna sheegin karin kaasoo horseeday qalqal siyaasadeed, dil macno la’aan ah oo lagu hoobto, dhaawac aan laga bogsoon oo isugu jira mid nafta ah iyo mid aqlaaq intaba, silic joogto ah, qax badda lagu qaraqmo, qaxooti iyo saboolnimo baahsan oo taabatay qof kasto oo Soomali ah isla markaana dalkeena u horseeday inuu maro qaranjabka kii ugu ba’naa ee abid gaara wadan inta imminka laga xusuusan yahay taariikhda casriga ee adduunkan “world’s contemporary history”.

QUUSTA NOLOSHA

Waxaa dhamaan joogsatay nolol habeysan oo toosan oo lagula tacaamulo gudaha iyo dibedda. Waxaa doorsoomay gacalka iyo walaalnimada. Waxaa gaasirmay garashada. Waxaa yaraaday iimaanka. Waxaa guray rajada iyo runta. Waxaa suushay wadaninimo. Waxaa meel walba ekeeyay qabiyaala. Waxaa la gaaray heer lagaba quusto nolosha iyadoo hadda la marayo nus waqtii tiiha ay galeen reer Bani Israaiil 40ka sano.

Dadka Soomaalida qaar ka mid ah waxay gacantooda ku burburiyeen hantida ma guurtada ah iyo tan guurtada ee Soomaaliya oo ilaa muddo qiyaas gaareysa ilaa 100 sano laga hirgeliyay Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Falalkaasi waxay ceeb iyo yaxyax ku noqdeen dirka Soomaalinimada (Somali identity) waxayna shacabka Soomaalida u soo jiiday in fagaarayaasha siyaasada caalamka lagu yaso oo hoos loo eego. Waayo adduunku wuxuu is weydiinaya maxaa keenay in dad wax walba wadaaga inay dhiig muddo dheer iska daadiyaan.

(Dagaalku hadduu macnihiisu yahay in hoggaaminta sare ee dalka si xoog ah lagu qabsado taasi suuragal ma noqoneyso oo waxaa marka hore aan oggolaaneyn shacabka Soomaaliyeed waxaana aqoonsi aan laga helynin caalamka intiisa kale oo aan xoog in shacabka lagu muuquniyo aan oggolaaneyn waayo adduunka maanta kala ma maarmo oo waxaa lagu tilmaama Tuuo Weyn “Global Village” waxaana la isku waafaqsan yahay habka doorashada xorta ah ee “HAL QOF HAL COD” oo wax lagu doorto in dal lagu hoggaamin karo.

SOMALIA , URURKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MIDOWGA AFRIKA

(Sida la og yahay Soomaaliya oo gobanimada heshay July 1st 1960 waxay xubin ka tahay Qaramada Midoobay waxayna xubin aasaase ka tahay Ururka Midowga Afrika oo hadda u xuub siibtay Midowga Afrika Jaamacadda Dawladaha Carabta Ururuka Islaamka, Ururka wadamada ay Siyaasadooda dhanna raacsnayn, iyo urur goboloeydo fara badan. Xeerarka ururadaasi ku dhisan yihiin ayaan oggolaaneyn in xoog wadan ay koox ku qabsato iyadoo aan oggolaansho ka heysan Shacabka Soomaaliyeed.

(Waxaan halkan idiinku soo minguurinaya Sharcigi lagu dhisay Midowga Afrika gaar ahaan qaybta ku aadan ujeedooyinka Midowga waxaana ka mid ah in (a) Afrika ay gaarto midnimo buuxda isla markaana ku shaqeyso ruux gacalo ee dhex mara wadamada iyo shucuubta Afrika iyo (b) in Afrika ay difaacdo gobannimada, dhul iyo xoriyadda wadamada xubnaha ka ah

(Somaaliya waxay ka mid ah Saxiixayaasha Sharicga Midowga Afrika waxaana qalinka ku duugay 53 dal oo ku jira Midowga kasoo Madaxweynaha xilligaas ee Soomaaliya, Dr. Cabdiqassim Salaad Hassan uu ku saxiixay magaca dalkeena. Waxaa lagu saxiixay oo lagu hirgeliyay magaalada Lome, Caasimadda dalka Togo 11th July 2000. Sharcigaas waa ku qasab in nidaamka kastoo Soomaaliya soo mara inay u hoggansamaan. Waxaa sharcigaas uu ku buri karaa oo keli ah waxaa weeye iyadoo afti laga qaado shacabka Soomaaliyeed oo ay ku leeyihiin MAYA).

DHACA HANTIDA SOOMALIYA, QASHIN QUBKA IYO AAFOOYINKA KA DHASHAY

Intii ay socdeen dagaalade sokeeye dalka Soomaaliya waxaa laga dhacay bad iyo bariba hanti nooc kasta leh oo ka badan kumaakun trillions dollar oo welibana haddan aad waraaqadan akhriyeyso la sii boobayo oo la xalaaleystay. Looma dhaafin xitaa hantida tiil barriga oo waxaa taa garab yiil xaalufinta deegaanka oo qaar ka mid ah ganacsatada hunguri xumidu qaaday ee Soomaalida ay ku hayaan dalka iyagoo gubaya dhirta isla markaana dhoofinaya habar dugaaga taasoo macnaheedu yahay isdil dhaqaale qaran “National Economic suicide”. Falkaas foosha xun weli dalka waa ka socda.

Waxaa ka sii daran qashinka warshadaha reer Yurub iyo haraaga nukliyarka ee lagu shubayo xeebaha Soomaaliya oo hadda eelka wasaqdaas laga dareemay meelo ka mid ah dhulka ku teetsan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Koonfurta ayadoo lagu arkay xeebaha degaankaas haamo xiran oo aan lahayn af iyo calaamo si aan loo oogaan karo halka ay asal ahaan laga soo daabulay.

Gobollada Koonfurta waxaa ku dhashay ilmo iyo xoolo aan qaab lahayn “deformed children and animals”, dalagga beeraha oo dhawacmay “crop damage” iyo degaan guddoon ku yimid bii’ada “Environmental degradation” taasoo lagu tilmaami karo “Deegaan Lagu Hoogay” “Environmental Disaster” oo mustaqbalka ay adkaaneyso sidii ay dalka ugu sii noolaan lahayeen jiilalka soo socda ee faraca Soomaliya ee dhalan doona. Suntaas waxay kalliftay inay xeebaha ku soo caariyaan tiro xad dhaaf ah ee noloaha badda waxaana khubarada ku xeel dheer degaanka ay sheegeen in safeynta wasaqdaas ay qaadanesy boqolaal sano waaba haddii la helo dad hawshaas u kaca sidii wax looga qaban lahaa.

Kuwa boobayana hantida oo sumeynaya degaanka waxay u heystaan in dadka Soomaalida ay yihiin dad cawaan ah oo aan u dhaqmin sida aadanaha kale ee ilbaxda ah. Bacdamaa dadkaasi wax ka garanayaan diinta Islaamka, waxay qabaan in Soomaalida aaney si run ah u aaminsanayeyn diinta Islaamka oo ay sheegtaan inay ku dhaqmaan taasoo reebeysa in qof Islaam ah uu dilo qof kale oo Islaam ah si xaq darro ah isla markaana qof Islaamka ah uu beensheego. Beenta lagu bartay qaar ka mid ah Soomjaalida dibedaha u qaxday waxay u baas baxaysa Soomaalida runta uga carareysa dhibaatada dalka ku heysata.

Akhri link kan iyo kan ku xiga:

http://www.thesun.co.uk/…/Bogus-asylum-seeker-pretended-she…

http://www.voice-online.co.uk/content.php?show=18748

(Fiiri Soomaalida u qaxday debedaha. Qaarkood si ceyr badan u helaan beenta kamaba hishoodaan. Waxaa gacanta ka sii baxaya jiilka 20 ilaa 30 sano jirsaday oo ku dhashay qurbaha iyo kuwa kale ee mustaqbalka ku dhalanaya halkaas. Sidoo kale waxaa ku sugan kuwa tegay dibedaha ayagoo wax aqoon asaasi ah aanan lahayn oo ay ku adkaaday inay ku si fiican ugu dhex miilaan mujtamacyada cusub si ay uga helaan aqoon iyo ilbaxnimo. Taasi macnaheeda ma ahin inay dhaqankooda islaamiga ahaa ka tagayaan.

Ma dhaafto maalin aan war xun laga sheegeyn dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda. Tirada iyo gaanka Soomaalida dibedda u qaxday in yar mooyaane kuwa waxbartay waa faro ku tiris waxaana dhalinyarada qaar ka mid ah ay qayb ka noqdeen kuwa ka shaqeeya ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyayaasha waxaana dhacdo in dunuubtaasi ka dhashaan dil ama xabsi dheer Dhalinayarada waxay u badan yihiin kuwo ka saaqiday waxbarashada amase ku dhacay sas xagga dhaqanka ”cultural shock”.

Dhagayso linkan http://www.voanews.com/…/Soomaalida-iyo-Xabsiyada-Maraykank…

Dilka caadada noqday oo Soomaalida lagu gumaadayo meelaha ay ku qaxeen waa dil qorsheysan oo la mid ah midka dalka gudihiisa ka dhacaya. Dadka badankiis waxay u heystaan in dilalkaasu yihiin kuwo si kam ah iskaga dhaca. Sidaasna ma ahin. Dilalka waa kuwo qorsheysan oo garab yaal kuwa dalka gudihiisa ka soconaya.

ARAGTIDA SOOMAALIDA AY DADKA KALE KA QABAAN

Dadkaasi waxay qabaan in Soomaalida qaarkood ay ka suurtowdo inay been iyo ficillo xun ku kacaan. Waxay qabaan in shacabka Soomaalida uu xitaa ka hooseeyo heerkii qabiilqabiilka ee adduunku qarniyaal ka hor soo maray.

Waxay ku andacoocdaan in Soomaalida ay jifojifo ka sii hooseyso oo ay ilmo adeertu is dileyso. Ajanbigu waxay qabiilooyinka Soomaalida si fiican u barteen 20ka sano ee dagaalada sokeeye ay dalka ka socdeen kolkaasoo dalalkooda ay ummadda Soomaalida ku qaxday. Wadamada Soomaalida u qaxday qaar Soomaalida waxaa u suuroobi weyday inay ururro jaaliyadeed oo danahooda ka shaqeeya sida ay yeeleenba jaaliyadaha kale oo dalalkooda qaxa ku tegay. Waxaa taa ugu wacan iyagoo qabiiqabiil isugu fiirsanayana. Dabarka qabiilka xitaa waxaa iska furi waayay inta yar ee lagu sheegay inay wax barateen. Hadda ma rabo inaan mowduucan ku dheeraado laakinse waa iimaha dadkeena dib u dhaca u keenay.

Sunta iyo qashinka lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo dhaca loo geysanyo kheyraadka badda iyo beriga Soomaaliya waxaa ka marag kacay laamaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowridda Degaanka ee UNEP iyo Hay’adda GreenPeace ayagoo weliba farta ku fiiaqay wadamada iyo sharikada dabbulada qashinka ku lugta leh.

JOOGISTA MARAAKIIBTA DAGAALKA EE SHISHEEYE JOOGAAN XEEBAH SOOMAALIYA

Waxaa la yaab leh joogista ay xeebaha Soomaaliya joogaan Halwgalka Midowga Yurub ee ATLANTA, Hawlgalka Gashaanbuurta NATO ee la magaca baxay hawlgalka Gashaanka Badeweynta, ciidanka isku dhafka ah ee Mareykanka ee 151 iyo kooxda ka hortagga burcadda ee dalalka Shiinaha, India, Japan, Russia oo weli wax muuqda ilaa hadda kama qaban waxa ay ku sheegaan burcad badeeda Soomaalida oo wata doomo yaryar oo aan u dhigmin gadiidka dagaal ee badda oo ay heystaan.

Taas waxay marag cad u tahay in waxay u joogaan xeebaha Soomaaliya ay tahay dano iyagu gaar ah oo si sharci darro ah ay ugu guranayaan kheyraadka badda iyo kan dhulka oo nooc walba leh taasoo ka duwan ujeedkii hore loo shaaciyay oo ahaa in la joojiyo burcad-badeedka.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika oo guud ahaan marka la isku daro gaaraysa ilaa 1,518,604 Km oo jaho walbo ah waxaa u yaalla sharciga Soohdinta Biyaha Soomaaliya oo lambarkiisu yahay 37 oo daboolka laga qaaday 1972 waxaa sharcigaas iska indho tiray kuwa dhacaya hantiada badda Soomaaliya. Riix bartan:http://www.pambazuka.org/en/category/features/66955.

Waxaa maqaalkan qoray aqoonyahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdulkadir Salad Elmi cinwaankiiidsuna ahaa: The real pirates in Somalia: Washington, Paris and Oslo.

Ayadoo uu jiro sharcigaas ayaa haddana waxaa maalin kasta laga dhaca kalluunka qiimaha badan ee noocyada loo yaqaaan mackerel, kaluunka seefta (Sword Fish), gruper, kaluunka boqorka (Emperor), snapper, libaax badeedka iyo kuwa aadka loogu jecel yahay ee laga helo badweynta Hindiya iyo Gacanga Cadmeed. Waxaa kaloo la dhaca qalfoofelyda jabalada ku nool (rock lobster) iyo ayax badeedka (shrimps) oo ay cunaan dadka ugu taajirsan adduunka iyo hoombarada, diin badeedka iyo qajaar badeedka oo sida aadka looga jecel yahay cunistooda Bariga Fog iyo Qaarado kale.

Kalluunka waxaa si tuugo ah loogu iib geeya dekedaha wadamada Seychelles , Mauritius , Kenya (Kiunga Mombasa) iyo Maldives iyadoo uu beecaas xaraanta ah ay ka soo xarooto malaayiin dollar. Sidaa waxaa bogga internetka ee Wardheernews.com ku qoray Saxafiga Weyn ee Somaaliyed Mohamed Abshir Wolde waxaana aad ka bogan kartaan bartan:

http://wardheernews.com/…/08_The_two_piracies_in_Somalia.ht…

Qoraalka Wolde waxaa soo xigtay Andrew Mwangura, oo ka tirsan barnaamijka lagu kaalmeeyo Badmareenka ee Bariga Afrika kuna qoray wargeyska Elektronikada ah ee Pambazuka. Fiiri bartan:

http://www.pambazuka.org/en/category/features/64575

Waayeelka Saxaafadda Soomaalida Maxamed Ab shir Wolde mooyee weli ilaa hadda ma jirto cid eray u tiri ama galaangal u sammeysay sidii looga hortagi lahaa boobkaas marka laga reebo Hay’ado aan dawli aheyn ee dhowr ah oo maxalli ah.

Soomaaliya xitaa looma dhaafin kheyraadka barriga sida xoolaha nool, duurjoogta, iyo kheyraadka dabiica ah sida dhagaxa qaaliga ah iyo waxa la midka ah.

QARAMADA MIDOOBAY IYO BEESHA CAALAMKA DOORKA AY KU LEEYIHIIN SOOMAALIYA

Qaramada Midoobay Xasfiiska u Qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya wuxuu dhisay Kooxda Xiriirka Soomaalida ee la dagaallanka Burcad badeedka oo ka dhalatay waxaa loogu yeero “Fekerka Kampala” (Kampala initiative) oo ka kala socday maanullada dalka imminka ka jira laakinse xafiiska (UNOPS) wax muuqda ee la taaban karo ilaa hadda kama qaban baahida ay Kooxda Soomaalidu u jeedisay Qaramada Midoobay oo ku saabsana dib-u-dhiska ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliyeed, hay’adaha hirgelinta shuruucda, qawaaniinta lagu xukumayo burcad badeeda iwm.

Qaramada Midoobay iyo laamaheeda kala duwan, gaar ahaan UNDP, waxay Soomaaliya kula dhaqmayaan oraahda ah: “QOWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN” iyo in qaab dalku ugu jiro sidii MAXMIYAH oo kale ah amabe ka sii hooseeysa waxaana la moodaa in Qamarada Midoobay oo ku dhaqmeysa nifaaq iyo jahawareerin la moodaa in xaaladda Soomaaliya ay ku sii ridayso meel ka sii haliseysan xaaladda murugsan oo ay hadda joogto.

Wadamada Midowga Yurub ayaa badidood waxay xireen kalluumeysiga bahadhooda muddo 5 ilaa 15 sano ah si badahooda uga soo kabataan xaalufinta kalluunka oo hore ay iyagu u xaalufiyeen isla markaana wadamada Qaaradda Asia waxay iyana si xad dhaaf ah u gorfiyeen kalluunka badahooda ayadoo ay sii kordheyso baahida caalamku u qabo in la helo cunto-badeed dheef leh iyo cabsida laga qabo inay yaraato cuntada adduunyada waxaa, sida darteed, bartilmaameed kallumeysiga xaraanta ah noqotay badda Soomaaliya ee aaney hadda jirin cid ilaalashata amase kontroosha waxaana ku soo xoomay maraakiib fara badan ee wadamo badan ay leeyihiin oo gurta kheyraadka kuwaasoo isticmaala qalabka kallumeysiga oo adduunka ka mamnuuca oo xaalufinaya xitaa ukumaha kalluunka isla markaana burbrinaya degaanka jilicsan ee noolaha badda ku nool yihiin.

Waxaa hadda biyaha badweynta Soomaaliya si sharci darro ah uga kallumeysanaya marakiib gaaraysa ilaa 1000 waxaana sharci darradaasi ay socotay marka laga soo biilaabo 1991 oo la riday xukuumadii Askarta hoggamineysay.

KALLUUMEYSIGA SHARCI DARRADA AH

Waxaa lagu qiyaasay in kalluunka sida sharci darrada lagu jilaabto ee adduunka uu sannadkiiba dhan yahay ilaa 9 bilyan oo dollar taasoo badankeeda laga qaato Qaaraddan Afrika inta ka hooseeysa Saxaraha gaar ahaan Soomaaliya.

Maafiyada dhacaysa kheyraadk isla markaana degaanka xeebaha Soomaaliya sumeyneysa, waxay ku doodaan inay heshiis la galeen kuwo sheeganaya inay yihiin madax Soomaaliyeed oo dalka si sharci darro u sheegtay inay iyagu masuul ka yihiin. Taasina qiil macquul ah ma noqoneyso waayo waxaa heshiiyay waa tuugo isu bahaysatay dhaca hantida qaranka Soomaaliya uu leeyahay ama Soomaali midabka ka ahaado ama ajnabi ha ahaadee.

Sahan hore loo sammeyay ayaa wuxuu caddeyay in dhicista maamulka ciidamada ee 1991kii ka hor in sannadkiiba kalluunka Soomaaliya laga soo guran jiray uu gaarayay ugu yaraan ilaa 200,000 oo tan taasoo ay soo saari jireen kallumeystada yaryar iyo kalleymeysiga heerka warshadaha oo Soomaali ah.

DAYAARADA QUMAATIGA U KACA IYO BOOBKA AY U KU HAYAAN KHEYRAADKA BARRIGA

Dayaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ka soo duula marakiibta dagaalka ee badda ku sugan waxayna si sharci darro uga soo qaataan bariga Soomaaliya xoolo duurka sida gorayada, deerada, sagaarada, noocyada kala duwan ee duurjoogta waxayna geeyaan maraakiibta ay ka soo duuleen ayagoo u dira dalalkooda si ay halkaa loogu geliyo tijaabooyin sidii ay halkaa ugu tarmaan oo kaddibna mustaqbalka lagula tartamo kheyraadka Soomaaliya marka la geeyo suuqyada adduunka.

Dadka reer miyiga iyo kuwa nool xeebaha waxay soo sheegeen inay arkeen dayaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ay ku dagaan dhulka buuraha dushooda ee berriga Soomaaliya halkaana ay ka gurtaan dhagxaan ay dhici karto inay ka sahmiyaan baaxda inta uu la’eg yahay kheyraadka Soomaaliya ee dhulka dushiisa iyo hoostiisaba yaalla sida noocyada kala duwan ee birta, shidaalka iyo dhagaxaanta qaaliga ah iyo dalaga beeraha nooca ugu haboon ee ka soo dhalan kara.

(Soomaaliya waa meesha keli ah ee adduunka laga soo guran karo miraha beeraha 4 xilli ee uu sannadku ka kooban yahay. Waxaa la sheegay in dalku leeyahay ilaa 8 million oo hektar oo ku fiican beerashada).

Dadka arkay markaa ay dayaaradahaas qabanayaan xoola duurka waxay soo sheegeen in si arxan la’aan ah oo ay u qabtaan iyagoo ku buufiyo dabayl xoog leh oo sas ku ridaya neefka cidooda ah.

Waxaa dhacday in hadda idaacadaha reer galbeeddka laga sheegayo in geela Soomaaliya oo hore loogu beeray dalka Australia imminka loo baadi goobayo suuq loo iib geeyo taasoo qalqal gelineysa suuqa geela Soomaalida oo hore ciriir ugu jiray. Waxaa sidoo kale dhacday in ariga Soomaalida lagu beeray meelo kale ee ka mid ah adduunka isla markaana dhici doonto in iyaana suuq loo raadiyo.

Falkaas caadwuhu wado wuxuu dhiig bax dhaqaale iyo hantiguur ku yihiin shacabka Soomaaliya mana jiro doono dhaxal u hara jiilalka Soomaalida ee soo socda mustaqbalka dhow ama fog.

Sida badan waxaa la maqlaa go’aano ka soo baxa Qaramada Midoobay oo lagu cambaareynayo falalka burcad badeeda isla markaana si toos ah fara gelin loogu sammeynayo badda Soomaaliya ayadoo aan haba yaratee lagala tashan nidaamyada ka jira dalka Soomaaliya. Go’anadaas laguma cambaareyo burcadda dhacaysa khyeraadka oo wasaqeyneysa degaanka badda iyo beriga Soomaaliya waxaana taas la rabaa in lagu xalaaleysto si loo xado hantida iyo kheyraadka Eebe Soomaaliya ku manneystay.

Hay’daha Qaramada Midoobay ma aaney ku wargelin Golaha Ammaanka mashaqada ka dhacday xeebaha Soomaalida oo isugu jira kalluemeysiga xaraanta ah iyo qashinka badda lagu shubay intaba ayadoo Golaha Ammaanku ku cambaareeyay burcad badeeda qaraarada tirsigoodu yahay 1816, 1815, 1814, 1846, 1838 iyo 1851 oo kii ugu dambeeyay 1950 ee soo baxay 23 November 2010. Ma jiro hal qaraar oo lagu cambaareyey wadamada caadeystay inay dhacaan maalin cad kheyraadka badda ee Soomaaliya.

BADWEYNTA HINDIA IYO SIDA INDHAHA CAALAMKU UGU SOO JEEDAAN

Warar dhowaan lagu baahiyay wargeys ka mid ah kuwa caalamka ugu afka dheer in imminka ay meelo ka mid ah Badweynta Hindiya ay ka socdaan baaris lagu qodayo sakxada dhulka moolka hoose ee badda (Ocean floor) taasoo imminka la iska weydinayo in qodistaasu nusqaamineyso ama dhawaceysa habka degaanka (ecological system) ee ugu qiimiga badan adduunka waayo waxaa degaankaas ku nool xaywaan iyo cayayaan il-maqabto ah waxa loo yaqaan “microbes”. Xaywaankaas oo la ogaaday markii ugu horreysay 1977, inuusan si toos ah ugu xirnayn ileyska qorraxda iyo waxaa loo yaqaan “Photosynthetis” sida uu yahay hab kastoo deegaan ee ka jira dhulka. Waxaa ku tarma noolaha badda sida kalluunka iwm.

Sannadaka markuu ahaa1977 waxaa la ogaaday in ka badan 1,300 nooc oo noolahaas ah oo aan hore culuunta Sayniska ay soo bexeen. Saa si la mid ah waxaa mustaqbalka soo bixi doonaan kuwa hor leh oon hore loo arag.

Waxaa lagu soo warramay in Badweynta Hindiya hoosteeda ay ku yaaliin durduro biyo kulul oo lagu magacaabo “hydrothermal vents” oo dhaliya keyd macdan ah oo isugu jira dahab, qalin, nickel, naxaas, iyo tellurium (oo loo isticmaalo sammeynta kombutarada, CDs iyo DVDs).

Marba marka ka dambeysa waxaa la sii ogaanaya kuwo hor leh oo culimadu ay ku sheegeen inay yihiin asaaska halka ay nolosha dhulka ka bilaabato. Isla falgalka noolahaas ayaa dhaliya keydka macdanta iyo mineral isugu jira sida dahabka, qalinka, naxaasta, zinka iyo nikeelka oo ay dhacayso inay gaaraan baaxdooda dhererekooda sida buuraha oo kale.

Culimada ku xeeldheer culunta jeolojiyada ayaa sheegaya in sharikadaha qoda macdanta badda hoosteeda ay sannadkiiba ka soo guran karaan dhowr bilyan oo tan oo naxaas.

Hay’adda loo yaqaan ‘International Sea-Bed Authority’ oo ah laanta u qaabilsan Qaramada Midoobay baarista dhulka hoose ee badweynta ayaa lagu soo warramay inay aqbashay hindiseyaal lagu doonayo in baaris lagu sammeeyo badweynta Hindiya bacdamaa ay sii gurayaan kheyraadka birta qaaliga ee yiil dhulka barriga.

Oggolaanshaha Qaramada Midoobay oggolaatay in la baaro badda hoosteeda iyo duulaanka xeebaha Soomaaliya lagu soo duulay ayaa waxaa laga qiyaasi karaa in badweynta Hnidiya ay qarniga hadda bilowday ee 21aad inay noqoneyso dambiisha cuntada caalamku quuto, isla markaana imminka iyo muddo horeba laga kantroolo dhaqdhaqaaqa marakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka ee isaga kala goosha Qaaradaha Australia, Asia, Bariga Dhexe, Afrika, Yurub iyo Mareykan. Badweynta Hindiya waxay kaloo halbowle u tahay sidii wadamada xooga weyni ay ula socon lahaayeen siraaca siyaaso-militari-dhaqaale ee ka soconaya Bariga dhexe, Khaliijka Carbeed, Qaaradda Afrika, Iran iyo wadamadii hore ugu jiray Midowga Sofiyeti gaar ahaan Russia, Aasia iyo Bariga fog.

Badweynta waxaa kaloo mihiim ka sii dhigaya inay noqoneyso kaabada isku xireysa qaaradaha kale iyo tan qaaradda Aasia oo hadda u muuqanaysa inay tahay xiddig ka soo baxaya bariga ee awooda dhaqaalaha adduunka xambaarsan gaar ahaan dalka Shiinaha iyo Hindiya.

Waxaa kaloo taas dheer in Badweynta Hindiya laga damacsan yahay in laga abuuro xarun cilmi­­-baaris oo si qoto dheer loogu oogaanayo kheyraadka badda iyo dhulka badda hoosteeda iyo horumarinta culuunta Badaha Waaweyn (Oceanography) oo laamaha muhiim ku leh culuunta axyaada, kiimiyada, juulujiyada iyo fiisiyada. Waxaa hadda soconaya riqaabo laga wada xagga hawada sare iyadoo la adeegsanyo dayax gamceed hawada sare yaala.

BURCAD BADEEDKA LAGU MARMARSOONAYO

Waxaa muuqanaysa in burcad badeeda Soomaaliya lagu sheegay ay marmarsiinyo u tahay inay wadamaasi marakiibtooda sii joogaan xeebaha Soomaaliya isla markaana sidii ay doonaan yeelaan kheyraadka ummadda Soomaalida ayadoo liishaanka lagu saarayo istratejiyada mustaqbalka laga leeyahay Badweynta Hindiiya oo baaxadeeda lagu qiyaasay 68,556000 oo square Kilomters ah.

Ayadoo falkaa lagu maldahayo la dagallanka burcad badeedk, duulaanka lagu soo duulay Soomaaliya oo lagu boobayo hantida iyo wasaqeynta bii’ada – bad iyo beriba – waxaa ku soo dhiiraday cadawaha markii la arkay in shacabka Soomaalida uusan u habeysneyn qaab dawladnimo isna xukumi karin balse ay isago isdileyo oo ay garbaha iska goyneyo.

WAXYAABAHA CAADAWUHU LA DAMACSAN YAHAY SOOMAALIDA

Xogta lagu shaaciyay bogga internetka wikileaks ee ku saabsana Soomaliya, faragelinta la sheegay in la faragelinayo arrimaha u gaarka dalalka kale iyo u diyaargarow wadamada xoog weyweyn ay u diyaargaroobayaan inay dejiyaan habka istratijya cusub oo ay ku wajihaan waxay ay ku tilmamayaan qataraha ku soo fool leh iyo sidii ay isaga daafici lahayeen qatartaaas mustaqbalka ayaa muujineysa in Soomaaliya lala damacsan yahay shirqool ay marti uga noqoneyo maamulka dalkeeda iyo dadkeedaba.

Istratejiyada cusub waxaa sida badan diirada lagu saaray welwelka muuqaalka dagaalka dalka Afganistan oo sii dabadheeraada, jawaabta laga bixinayo waxay ku tilmaameen hanka ay Iran u qabto inay soo saarto hubka nuklearka iyo in dib loo qooraansado xiriirka humaagu ku jiro ee ka dhexeeya wadamada xooga weyn.

Sida dhowaan lagu qoray Wargeys caan ah tallaabooyinka oo dhan waxay immanayaan waqti ay wadamada qaar kharashka ay ku bixinayaan gaashaandhigga uu sii kordhayo iyo cabsida ka immaaneysa tartanka xagga kheyraadka adduunka ee ka dhaxeeya wadama hore u maray iyo la dagaallanka argagixisda caalamka. Midan dambe (waa argagixisade) ayaa dhici karta in qodobka ugu horreeya ee ajendaha inay Soomaaliya kow ka tahay oo tallabadii ay doonaan inay wadamada xoog sheegta uga qaadaan Soomaaliya.

DABINKA SUURGALKA AH EE U QOOLAN SOOMAALIYA INAY KU DHACDO

Taxliilka ii muuqanaya waxaa weeye inay suuragal tahay in Soomaaliya oo hadda ku shaabadeysan inay tahay dal gabood u ah argagixisada in loogu marmarsiyoodo in talaabo aan Soomaaliya dan u aheyn looga qaado oo ayba dhici karto in dalka loo qaybsado qayb qayb ayadoo lagu eedenayo inay Soomaliya qatar ku tahay amaanka wadamada deriska gaar ahaan iyo tan adduunka guud ahaan qiil horena looga dhigo in Soomaalidu la immaan weysay caqli ay ku tashado sidaa darteedna uu yimid waqtigii loo talin lahaa. (Fiiri nidaamyada soo maray Soomaaliya 20 sano ugu dambeeyay).

Dhammaantood waxaa hareeyay isqabqabsi aan mecno lahayn oo mid kastaba lagu ridayay iyadoo waxba haba yaraadeene loo qaban shacabka dalambaabiyay).

Waxaa kaloo dhici karta in dalka si dadban loola wareego ayadoo asaas looga dhigaayo in dadka Soomaalida aaney sidii loo baahnaa uga faa’ideysan kheyraadka dalkooda oo ka mid ah wadamada aduunka ugu taajirsan marka laga eego xagga xoolaha nool, kheyraadka badda, kan dhulka korkiisa iyo hoostiisa ayadoo taa weliba u sii dheer tahay cimilada wanaagsan.

SOOMAALIYA, KHEYRAADKA EEBE UGU DEEQAY IYO BAAHIDA JOOGTADA AH EE DALKA KA JIRTA

Dalku waa hodan oo leh dal xoolo iyo beero wuxuuna leeyahay geela ugu badan caalamka waxaana lagu qiyaasay ilaa 30 million oo neef, looda waxaa iyana lagu qiyaasay ilaa 20 ilaa 25 million oo neef arigana waa in ka badan ilaa 20 million. Dalku wuxuu kaloo leeyahay xeebta ugu dheer Afrika oo gaaraysa ilaa 3,330 Kms.

Waxaa la sheegay in adduunka marka ay wax walba gabaabsi noqdaan in loo aayi doono cadka iyo caanaha geelo oo ay ku badan yihiin macdanta iyo dheef kale.

Maamulada Soomaaliya soo maray 50 sano ee ugu dambeeyay ma jirin maamul shacabka Soomaalida uga faa’iideyay kheyraadkaas iyadoo ay dadku ay disheen abaaro soo noqnoqda, musuqmaasaq, aafooyin isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwo dadku sammeyeen, dagaallo sokeeye iyo aqlaaq xumo jaadku ka kow yahay.

Maamulkii ciidamada qalabka sida ayaa la moodaa inuu yarahee u hilhishay horumarinta dalka oo ilaa xad soo celiyay kalsoonidii shacabka.

Nasiib darrose waxaad maqleyso mar kasto Soomaalida oo beesha caalamka ka codsanaysa in la soo gaaro mucaawimo ban’inaadminimo. Baahida dadka Somaalida sokow, Soomaaliya waa dalkii laga rabay inuu adduunyada inteeda kale ee saboolka siiyo mucaawimo buuxda oo dhan walba leh.

Marka caalamka intiisa kale arkay in shacabka Soomaalida uu dabeecadaas leeyahay, waxaa cadaawaha Soomaaliya uu ku soo dhiiraday in dalka aaney jirinba cid iska leh.

Aragtidaas waxaa laga dheehan kara goodiska beesha caalamku ku goodineyso oo ah in aan maamulka jilicsan oo hadda ka jira Soomaaliya aan loo cusboneysiin doonin markuu waqtigu ka dhammado oo kaddibna si farshaxan ah beesha caalamku cid kale u xilsaari doonto inay arrimaha Soomaaliya talo ka soo bixiso taasoo laga yaabo in aaney dan u ahayen dadkeena iyo dalkeena.

Sideedaba geedi-socodka cilaqaadka duwaliga ah (international relations) badanaaba wuxuu ku qotomaa dano ay kala leeyihiin wadamada. Wadan kastana wuxuu kula shaqeynaya intuu dantiisa kaa fushanayo. Haddii danahaasi dhamaadaan waa macasalaama. Marka ma jiro ixsaan Soomaaliya loo sammeynayo, balse waxaa loo malabsanaya kheyraadkeeda.

Taasna Soomaalida ma fahmin. Waxaa weli nool oo taagan caqligii 5 meel loogu qaybiyay dhammaadii qarnigii 19aad.

Haddana waxaa muuqanaysa in intii hore isu raacday ay qaybintii labaad ay ku socoto.

Inkastoo tii Eebe ay meesheed tahay, haddana waxaa la yiri “KHEYR WAX KAAMA DHIBEE SHAR U TOOG HAY”.

Soomaaliya xaaladda ay imminka joogto iyo halakada lala damacsan yahay ma muuqato cid ka badbaadin karta inkastoo mid Eebe ay meesheeda tahay. Xaaladuna waa: CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.

MAXAA LA GUDBOON UMMADDA SOOMAALIYEED

Ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in inta uusan dhammaan waqtiga dawladda hadda jirta ay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dalkeena hooyo isla markaana dib la dhiso maamul dadka gaarsiin kara horumar siyaaso, dhaqaale, bulsho iyo ammaan ayadoon marti loo noqoneyn gacan shisheeye.

 

MASHKILADA SOOMALIYA EE XALKA U BAAHAN

 

Waxaa looga baahan yahay maamul kastoo la dhisayo inuu barnaamijka siyaasadda uu udub dhexaad uga dhigo sidii loola dagaallami lahaa sinaan la’aanta mujtamca taasoo marka horeba ka timaada qabiyaaladda oo dhex gashay siyasaadda.

War Alle ka cabsada oo Soomaaliyey hala joojiyo dagaalada hadda dalka ka soconaya oo ha la abuuro jawi dad iyo dal lagu badbaadin karo.

 

Shacabka Soomaalida ha la iska illaawo oo ha ka baxo hunguri weyniga qabiyaalada ku dhisan, jahaalada iyo jufujufeysiga oo hooyo iyo aabe u ah baadiyonimada ama curaabinimada. Waa inuu shacabku la yimaado dhaqanka ilbaxa ah ee lagu yaqaan magaalojoog “civic culture” kaasoo qeexaya waajibka muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dalkiisa iyo xaqa u leeyahay taasoo aasaas u ah maamul wanaag iyo ku dhaqanka diinta islaamka. Waa in la dhiso bulsho madani ah (Civil Society) oo run ahaan ugu shaqeeya ruux madaninimo.

Dadka Soomaaliyeed ee caqliga u saxiibka ah waa inay hawshaas u istaagaan si ay miro dhal u noqoto fekredaas. Waa in si degdeg ah kulan Soomaali loogu qabto dalka gudihiisa lana dhiso Guddi waxgarad ah ee mujtamac magac iyo maamuusba ku leh si dalka iyo dadkaba loo badbaadiyo loogana saaro xaaladda murugsan.

 

GACAL IYO TOLOW MA GUDDUUNSATEEN IN GEYIGEENA SOOMAALIYA UU GACANTEENA KA BAXO!!!!!!

Allow ma u sheegay!!!!!!

Abdulkadir Mohamoud Walayo
Saxafi Soomaa:

walaayo@yahoo.com

One comment

  1. Editors note:
    Waraqadan furan waxaan u diray dhamaan ummadda Soomaalida inta aqoonta iyo caqliga u saaxiibka ah muddo maantalaga joogo 9 sano (December 11th 2010). Xaaladii uu dalku ku sugnaa waagaas waxba iska bedeli oo waxaaba la dhihi kara in dalku uu lugaha la sii galay dhibaatooyin hor leh oo qawleysato siyasiyiin isku sheegaya ay ummadda sii kala qaybiyeen iyagoo u adeegaya gumeysiga hadda ka hor Soomaaliya kala qaybiyay. Qawleysatadu waxay rabaan inay hambadi dalka ka hartay ay u sii kala qaybiyaan imaarado jilicsan oo cadaawuhu suu doonto ka yeesho. Allow dalkeena badbaadi. Aamiin

Comments are closed.

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: