YAA CAQABAD KU AH SOO CELINTA DAWLADNIMADA SOOMAALIYA?

QOYMIYADA SOOMAALIDA QAYBO KA MID AH OO KA SOO JEEDA GOBOLADA DHEXE WAXAY HANTAATURO KU YIHIIN INAY DALKA KA DHALATO DAWLAD DALKA HORUMAR GAARSIISA OO KA SAMATA BIXISA AAFOOYINKA

Soomaalida weli way ka habowsan tahay wadada hanashada dawladnimada iyo ilaalinta qarannimada.

Markii ay burburtay dawladii Dhexe ee Soomaaliya muddo 30 sano (January 1991), qaar ka mid ah jilayaasha siyaasadda dalkan nasiibka xun waxay awoodi kari waayeen inay dalka ku soo celiyaan nidaam dawladnimo ku dhisan maamul-wanaag, cadaala iyo qawaniinta oo la isku xukumo.

QAAB-DHISMEEDKA MUJTAMA SOOMAALIDA

Inkasto aan lahayn daraasada la isku waafaqsan yahay ee dhanka culuunta ’’Anthropology ’’ iyo ’’Archeology’’ ee ka hadlaya isirka qofka Soomaaliga iyo taariikhdiisii hore, mujtamaca Soomaalida sidiisaba wuxuu ku dhisan yahay habka qabiilqabiilka oo ah feker duug ah oo addunyadu ka soo gudubtay muddo hore oo qarniyaal laga joogo.

Sida ay tahay, haddana Soomaalida inta qabiilka isku heybta ah dhexdooda waxa ka jiro hardan joogto ah oo marka la joogo dhulka baadiyaha loo tartamayo kheyraadka yar sida biyaha iyo baadka oo dadka iyo xooluhuba ku nool yihiin. Hardankaas wuxuu sii darsada marka xilliyadu xumaadaan oo abaaraha dhacaan xaaladana ay sababta dagaal uu dhiig badani ku daato, xoolaha oo la soo kala dhaco iyo tacadiyado kale.

Hardanka noocaas ah waxaa sabab u ah cimilada dhulka kulul oo qallalan roobkuna ku yar yahay iyo dhulka oo ah oomane ah waxa loo yaqaan ’’semi-arid’’. Inkastoo cimilada dalka guud ahaan ay isu dhowdahay, hadane middan kulul waxa u badan Gobollada Dhexe, meelo ka mid Bari iyo wixii dhanka Woqooyi ka sii jira.

Nolosha waxay ku dhisan tahay xoolaha ay raacdaan oo sida badan ay waxyeelo xoog leh ay ka soo gaarto abaaraha soo noqnoqda aafadaas oo aan hore lagaga sii gaashaaman. Xoolaha iyo dadka looma diyaariyo biyo iyo baad marka gal dambeedku dheeraado oo xilliyada abaaraha ay dhacaan oo marmarka qaar sabab macluul ay dad badani ku hoobtaan.

Sida badan dadku waxay yihiin reer guura oo xoolo raacato ah. Inta waxay xoolahooda la baadi goobaan biyaha iyo baadka halka kheyraadkaasu yaaliin taasoo keenta, sida badan, iska horimaad reeraha ood-wadaagta ah uu dhiig badani ku daato oo weliba xoolaha la kala dhaco iyo tacadiyo kale.

XOOLAHA WAA MAQAAMKA LAGU XURMEEYO QOF HEYSTA NIMCOOLEYDA

Heerka hodontinimada marka la joogo dhulka baadiyaha waxaa lagu qiyaasa in ninka heysta xoolaha badan siiba geela uu yahay taajir ka sareeya dadka intiisa kale isla markaana dhalay wiilal gashaan-qaada oo xoogooda ku ilaaliya xoolaha oo haddii loo baahdana dagaalada qabiilka loo adeegsado.   Raacdeynta geela la dhacay, midka kale ay u soo qaadeen, dagaalada qabiilqabiilka mar walba mujtamacu wuxuu ku jira shaqaaqo oo mar la hardamayo cimilada kulul marka kale dagaalada qabaliga.

Gobolada Koonfur waxa mara laba webi halka kuwa woqooyi iyo Bari ay ka jiraan togaga xilliyada roobka biyaha ka soo rogmada dhulka buuraha ay ku darmaan badda. Ma jiraan biyo xireeno keydiya biyaha.

Inkastoo aaney dalka ka jirin habka casriga ee MAAREYNTA KHEYRAADKA BIYAHA’’ WATER RESOURCES MANAGEMENT’’ xilliyada kala duwan waxaa dalka asiiba abaaro soo noqnoqda oo isugu jira kuwo dad iyo duunyo shuf beeliya oo macluul keena iyo kuwo yasiran intaba.

Xilliyo waxaa jira dalka ay ka dhacaan daadad ka dhasha roobka iyo fatahaada webiyada  oo biyaha ay buux-dhaafiya oo garaarta jabsada kaddibna dhibaata ku keena dalagga beeraha oo khasaare weyn u geysta oo magaaloyinka iyo tuulooyinka maashiya waxana ka dhasha barakac, kaneeco iyo habka fayo dhowrka oo qaribma waayo bulaacadaha ayuu ku darsama biyaha dhulka buuxa.

Xukuumadi kacaanka waxa jiray gurmad heer qaran oo aafooyinkaas lagaga hortagi jiray ayadoo dadweynaha ay ka qayb geli jireen gurmadkaas samata bixinta. Tusaale: gurmadkii iyo sida loo maareyay abaarta la magac baxday DABA DHEER iyo sida kacaanku ugu sameeyay dib-u-dejinta dadka abaartu ku dhufatay ee la dejiyay degmooyinka Kurtun Waarey, Dojuma, Sablaale iyo Ceel Axmed si barakacayaasha ay u bartaan falashada beeraha iyo kalluumeysiga.

UJEEDKA AAN MAQAALKAN U SOO QAATAY?

Ma rabo inaan halkan ka bixiyo cashar ku saabsan Juqraafiga Somalia iyo cimilada dalka iyo sida cimiladu u saameyso hab-dhaqanka bulshada, waxaanse uga jeeda in dadka Soomaalida oo ka soo jeedo nolosha cimilada kala duwan sida ay taha saameyn weyn ku yeelaneyso hab-dhaqankooda nolosha weliba sida loola noolaado bulshooyinka kala duwan ee ka baxsan degaanadooda marka laga eego habka  jillinka siyaasadaha casriga ee magaalooyinka lagaga dhaqmo halkaasoo ay nool dad kala duwan oo aan heyb qabiil wadaagin la isu waafajin lahaa. 

SAAMEYNTA HAB-DHAQANKA UU KU YEESHAY SIYAASADDA

Dadka ka soo jeeda gobollada dhexe oo ilaa 1960 markii uu dalku gaaray gobannimada waxay qayb ka noqdeen hoggaanka siyaasada dalka ayadoo jagooyinka sarare oo muhim ah qaatay. Dhanka kale dadka ka soo jeeda Gobollada koofurta Dhexe/Hoose laga soomiyay amase maamulka laga siiyay manaasib hoose qaybsiga jagooyinka qaranka dadyowga ku nool gobollada gaar ahaan qowmiyadaha Banaadiriga, jareerka iyo kuwo .5 loo bixiyay bulshooyinka dul-qaadkooda iyo edebtooda ku nool. 

Waxaa loo kala soocmay dad dhaqankoodu ku saleysan yahay: ’IIMAAN ALLE AA UUR BUUXIYO’ halkaso ay ka muuqato samir iyo dul-qaad iyo kuwo dhaqankooda ku saleysan yahay: ’INDHO-ADEYG WAA SED’ iyo ’’QAYLSHA MA QADO’’ oo midan dambe ay ka muuqato horornimo iyo boob.

Xaalada Deegaanka ay ka soo jeedaan oo aad u kulul (harsh enviornmental condition) iyo nolosha hororka ay ku soo koreen muddada dheer oo saameyn culus ku yeesho hab-dhankooda ayaa waxay u soo rareen gobollada Koonfurta gaar ahaan caasimada iyo gobollada webiyada taana waxay dhashay  caqliyadda ah (mindset) in hoggaanka siyaasadda dalka lagu gaaro hodontinimo sida darteedna ay xoog iyo wax kasto u suura gelinaya hadafkaas silloon ku gaaraan gar iyo gardarro. Si kale haddii loo dhaho macnuhu waa haddaan anigu ahayn hoggaanka sare ama kan ku xiga gaw iyo gash ma leh.

Caqliyada ayaa maanta dalka taala oo muddo 30 sano ku dhow uu dalka ku jiro burbur oo ummaddu dhisan kari weydo dawlad xoog leh oo dunida inteeda kale ka mid noqota.

ANAANIYA MA SOCON KARTO

QAJAJAC IYO QARDAJEEX hoggaanka dawladnimo laguma gaari karo, waxaase loo baahan yahay  maamul kasto oo nasiib u yeesho inuu dalka hoggaamiyo in la siiyo fursa uu ku dhameysto tabiinka loo igmaday xafiiska (TERM OF OFFICE) lana siiyo gacan buuxda si loo xaqiijiyo in ummadda la gaarsiiyo horumar iyo baraare.

Kuwa mucaaradnimada sheeganaya tashwiishaka ay dawladda ku fureen waxay hakinayaan oo keli ah mashaariicda ay rabtay inay dawladdu ku fuliso mudada 4 sano ee xafiiska loo doortay oo ay uga hortay laba sano oo kale.   

Dhaqan-xumida noocaas ah runtii ma ahin mid lagu dhisi karo hanaan maamul siyaaso casri ah oo u halgamaya horumar iyo baraare ummaddu u dhan tahay.

Dadka hor-boodayay siyaasadda qaloocan waxay isugu jireen dagaal-ogayaal gacanta dhiig sokeeye la galay, siyaasiyiin-ku-sheega burburka ku caqliyeystay, kuwo ku fashilay masuuliyadda loo aaminay oo dunuub ay ciqaab ku mudan karaan lagu soo oogi karo iyo xukuumado shaqeyn lahaa ase si bareer ah u hor joogsaday shisheeye iyo Somaali daba-dhilif u ah gumeysiga iyo kuwa nabadiid ah oo ku gabanaya Diinta si qalloocan loo dabaqay.  

Tallabada waxay keentay inay maamuladaas ay hawlahooda dhici noqdaan sababtoo ah waxaa ku dhacday qallad Eeba oo ka timi cuqubo ka dhalatay musuqa ay daa’imeen iyo ummadda ay ku ballan fureen wacadaka Ilaah hortiisa u qaadeen inay dalka, dadka iyo diinta u shaqeynayaan iyo aqoon la’aan hoggaaminta dawladnimada.

MAAMULADA SOO MARAY DALKA ILAA SANNADKII 2000 – 2017

Inkasto xukuumadihii lagu soo dhisay Tuulada Carta, Djibouti 2000 Madaxweynaha Dr. Abdikassim Salad Hassan iyo tii ku xigtay 2004 lagu dhisay Mbagathi, Kenya ee Marxuum Abdullahi Yusuf Ahmed oo ahaa laba nin oo dawla yaqaan ah aan fursa ay wax ku qabtaan la siinin, hadane xukuumadihii ka dambeeyay Sheikh Shariif Sheikh Axmed 2009 iyo Hassan Sheikh Maxamuud 2012 waxay, ayagoo dhameystay tabiinkooda (term Of office) awoodi waayeen inay dalka ku soo celiyaan midnimo iyo madax-banaani buuxda. Waxay kari waayeen inay ka soo baxaan agagaarka Villa Somalia oo ay gaaraan shacabka ku dhaqan caasimada Muqdisho oo ah malka-xoogeedka (stronghold) ay ka soo jeedaan oo ay taageerayashooda ku badan yihiin.

Waxaa caado noqotay in dadka qaar ay u qiil-bixiyaan fadhiidnimada maamulada iyagoo ku andacoodaan in maamulada soo maray ilaa 2000 uu mid walba meel wax soo gaarsiiyay. Waa qiil aan, haba yaratee, waxba ka jirin. Ummadda Geedka muuqda waa gaarsiin waayeen. Xaalku wuxuu ahaa oo keli ah ’GUD KA GUUR OO QANJE U GUUR’’.

MAAMULKA FARMAJO/KHEYRE

Isbedelka dhacay 8 February 2017 oo lagu soo doortay Madaxweynaha Maxamed Abdullahi Maxamed, RW Hassan Ali Kheyre iyo kooxda Golaha Wasarada ay u xusheen waxay ummadda u soo celiyeen rajada ah inay mar dambe fursa u heli doonaan sidii ay dalkooda dib ugu dhisan lahayeen oo ay uga soo kaban lahayeen dib-u-dhaca 30 sano dalku dib u dhacay.

Oday reer woqooyi ah oo siyaasi ah ayaa markii la doortay Madaxweynaha Maxamed Abdullhi Maxamed Formajo ku dhawaaqay eray aniga xusussteyda ku haray. Wuxuu yiri: ’XAMAR BEY BILIG KA TIRI’ taasoo uga dan lahaa rajada Xamar bey ka soo bidhaantay.   

Labadan hoggaamiye Formajo/Kheyre waxay dhaliyeen goolal sumcada dalka u soo celiyay ayagoo jebiyay markii ugu horeysay ma-dhafaanka (record) hore u yiil oo ahaa inay muddo kooban is qabtaan Madaxweynaha iyo RW. Waxay qaadeen inti ay talada dalka hayeen tallaabooyin lagu tilmaami karo taalo ’monumental’ oo u jeeda in dalka laga cafiyo deymihii hay’adaha deeqaha iyo deynka bixiya ay ku lahayeen ayadoo dawladdan loo furi doono qasnadaha Deymaha laga bixiyo ee Hay’adaha Deeqaha iyo Deymaha bixiya ee IFM iyo World Bank.

Waxaa dalku fursa u heli doona inuu heshiisyo iskaashi dhaqaale la yeelan doona wadamada ku bahoobay Midowga Yurub iyo kuwo kale ee hodanka ah sida Mareykanka, Japan, Norway iyo wadamada Khaliijka.

Waxa dhowaan la bilaabi doono dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgoye oo labada mashruuc ay door weyn ka ciyaari doonaan horumarka dhaqaalaha dalka ayadoo shaqo abuur ay ka heli doonaan dhalinyarada hadda bagamuuda ah.

Wadooyinka cusub waxay door weyn ka ciyaaraan hormarka dhaqaalaha. Magaalooyinka Afgoye iyo Jowhar waa dhulka caanka ku ah dalaga beeraha iyo xoolaha. Gadiidka soo qaada badecadahaas iyo dadkaba waxay waqti yar ugu soo safri doonaan Muqdisho halka hadda ay waqti badan uga lumo marinka wadada oo xun oo dhaawac xun u geysta isla gaadiidka.

Waxase jira xaalado ay abuurayaan kuwo siyaasiyiin jihado ka qaldan tahay oo raba inay libta ka hor joogsadaan Formajo iyo Kheyra. Tallabadaas waa ku hungoobi doonaan saa xaq ma ahin. Waxa haboon inay joojiyaan erayada kicinta bulshada taasoo cidna wax fiican ka dhaxli doonin.  

UJEEDKA AAN ARARTA DHEER U SOO QAATAY

Waxaan uga gol lahaa kuwa dawladda hadda ka soo horjeeda aaney heysan qiil macquul ah ay ku mucaraadi karaan xukuumada waayo waxay ka badi waayeen inay ku doodaan oo keli ah dawladda Fomaajo waxay diiday in dalka lagu hoggaamiyo is-oggol iyo wada tashi iyo lacago la lunsaday. Arrintaas waxaa loo dhisay in la horgeeyo ay ka doodaan qaababka golayaasha qaranka sida Golaha Shacbiga (Parliament), Golaha Wasiirada iyo Garsoorka (Maxkamada Sare). Qofki raba ra’yigiisa ha geeyo golayaasha.

Waa xaqiiq jirta in nabadgelyada dalka aaney sidii la rabay u sugneyn waxaase cad inay jiraan dad qayb ka ah degenaansha la’aanta iyo qarbudaada ka jirta dalka iyo qalqalka siyaasadda ay abuurayaan mucaaradka habowsan ayadoo daba ay ka riixayaan quwado shisheeya oo u hangaliilaya kheyraadka dihin ee dalkeena ceegaaga.

Maamulka Formajo markii ay u soo baxday in mucaradka indhaha la’ ay lugaha jiidayaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha gudaha haddana ayado dhibtaas lagu hayo waxaa la abaabulay dib u dhiska Xooga Dalka iyo hay’adaha kale ee hirgeliya sharciga si looga adkaado nabadiidka. Xanibaadaas oo jirta hadana maamulka waxay goosteen inay xoog saaraan la tacamulka Hay’adaha Caalamka ee Deymaha iyo Deeqaha Bixiya si loo bilaabo dadaalka xukuumadu ugu jirto xamlada deymo-dhaafka.

Xukuumada iyo Hay’adahaas waxay meel fiican mariyaan sidii Soomaaliya lagaga cafin lahaa deymaha taana waxay ku timi kaddib markii ay xukuumadda si dalaacan ah u maamushay maareynta maamulka maaliyadda iyo ganacsatada wadaniyiinta ah iyo dadweynaha ay si habsami ah u bixiyeen canshuuraha ku waajibay.

TALO

Inkasto mucaradka aan loo joojin doonin ololaha xukuumaddu ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha labada sano ee soo socota waa waqti aad muhiim u ah oo waxa lagu tallabsan doona mashriic hor leh oo wax tar u leh ummadda Soomaaliya.

Sida darteed, waa in shacabweynaha uu xukuumadda gacan buuxda siiyo si maamulka imaan doona 2020 kaddib uu halkaa uga ambaqaado goob u salaxan in horumar hor leh u dalka gaarsiiyo.

Waxaan kaloo soo jeedinaya in dadka Banadirga iyo dadka la mid ah ee aqoonta leh la soo geliyo maamulka siyaasadda dalka oo weliba loo dhiibo hay’adaha furaha u ah dawladda waayo iyaga ayaa wax loo aamini kara maamulidda hawlaha qaranka.

W/Q: C/qaadir Maxamud Walaayo

Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

%d bloggers like this: